| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 15.04.2003 - 15:09 Wakhtiga London
Boqollaal kun oo ka mid ah dadweynaha ku nool magaalooyinka, tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha cod-bixinta oo gaaraya in ku dhow 800 oo goobood, si ay u soo doortaan markii ugu horreysay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, doorasho ay ku tartamayaan saddexda xisbi ee Udub, Kulmiye iyo Ucid.
Sida aan ku helnay isgaarsiinta fooneeyaha iyo talefoonnada oo aan kula xiriirnay, isla mar ahaantaasina uu maanta noo xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Doorashadu, Axmed Xaaji Cali Cadami, waxay saaka doorashadu ka billaabantay, welina ka socotaa dhammaanba gobollada Hargeysa, Awdal, Saaxil iyo gobolka Togdheer marka laga reebo degmada Buuhoodle oo doorashadu ay ka dhacayso oo keliya tuulooyinka Qori Lugud, Coodanle, Balli Calanle, Muraayadda, Qabri Huluul iyo Carra Balanbal.
Gobolka Sanaag, doorashadu waxay ka dhacaysaa degmooyinka Ceeri Gaabo, Ceel Afweyn iyo Gar Adag, hase yeeshee degmooyinka kale sida Badhan, Laas Qorey iyo Dhahar doorasho kama suurtogelin, sida uu noo xaqiijiyey guddiga doorashadu, isla markaana aan ku helnay warar madax bannaan. Sidoo kale, gobolka Sool doorashadu kama suurtogelin marka laga reebo degmada Caynaba oo 29 goobood ay codayntu ka socoto. Sababta doorasho ay uga suurogeli weyday meelahaasi waxay tahay sida guddiga doorashaduba caddeeyey ammaanka goobahaasi oo aan sugnayn. Goobaha Cod-bixinta Guddiga doorashadu waxay hore u qorsheeyeen in 900 oo goobood ay noqdaan meelaha laga codeynayo dalka oo dhan, hase ahaatee waxaa haatan cod-bixintu ka socotaa 787 goobood. Magaalada Hargeysa gudaheeda waxay dhan yihiin goobaha cod-bixintu 97 goobood, goobta cod-bixinta ee Guriga Shaqaalaha ayaannu saaka lixdii aroornimo istaagnay. Lixdii iyo barkii subaxnimo ayaa murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Udub oo ah madaxweynaha hadda xilka haya, Daahir Rayaale Kaahin, uu codkiisa ka dhiibtay goobtaasi. Daqiiqado kaddib, isla goobtaasi Guriga Shaqaalaha waxaa isna codkiisa ka dhiibtay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe oo ah murashaxa madaxweynaha xisbiga Ucid ayaa isna codkiisa kaga riday Guriga Shaqaalaha, wuxuuna ku cabbiray dareenkiisa. Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka muuqatay in aanay dadka intooda badan seexan habeenkii xalay ahaa iyadoo doorashada darteed ay dadka qaar siiba far-fariisteen goobihii ay codka ka dhiiban lahaayeen. Lixdii aroornimo ee saaka dhowr goobood oo aan soo mar-marnay waxaan ugu tagnay dadweyne boqollaal ah oo safaf dhaadheer u galay bixinta codkooda iyagoo safkana ugu jiray si nabad ah. Waddooyinka oo la xannibay Waddooyinka magaalada Hargeysa ayaa waxaa lagu soo rogay xannibaadyo xagga socodka gaadiidka ah, iyadoo laakiin fasax la siiyey min 12 baabuur oo kuwa xisbiyada tartamaya ah, kuwa caafimaadka iyo qaar kale oo fara ku tiris ah, waxaana waraaqahaasi oggolaanshaha socdaalka bixiyey Guddiga Doorashada. Waxaa sidoo kale la xannibay socdaalka gaadiidkii isaga gooshi jiray magaalooyinka iyo tuulooyinka taasoo u muuqatay tallaabo looga hortagayey in ay dhacdo wax isdaba marin. Jaraa'idka magaalada Hargeysa ee saaka soo baxay ayaa iyaguna dhammaantood bogaggooda koowaad ku soo qaatay doorashada. Idaacadda Hargeysa ee ay dowladdu maamusho, talefishanka iyo culumadaba waxay ilaa shalay wadeen barnaamijyo dadka lagu wacyi gelinayo iyadoo musharraxiintana loogu yeerayey in ay u hoggaansamaan natiijada doorashada. Waxaa iyana cod-bixiyeyaasha laga reebay in ay soo xirtaan ama soo qaataan wax tilmaamaya xisbiyada ay taageerayaan, waxayna cod-bixintu soconayaa sida la qorsheeyey ilaa lixda makhribnimo, laakiin wey ka sii dheeraan kartaa saacaddaasi kaddib. Sida uu guddoomiyaha guddiga doorashadu noo sheegay waxaa natiijada hordhaca ah ee doorashadan la filayaa in ay soo baxdo Jimcaha soo socda, laakiin maxkamadda sare ayaa ku dhawaaqi doontaa natiijada rasmiga ah, iyadoo ay joogaan 29 goobjooge oo caalami ah. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |