BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Jimce, 04.04.2003 - 04:45 Wakhtiga London
'Maraykanka oo qabsadey' garoonka dayuuradaha ee Baqdaad
Ciidamada Mareykanku waxa ay sheegteen in ay bartamaha Baqdaad u jiraan masaafo aan ka badneyn 12 Mayl.
Ciidamada Mareykanku waxa ay sheegteen in ay bartamaha Baqdaad u jiraan masaafo aan ka badneyn 12 Mayl.

Hogaamiye ciidan oo Mareykan ah ayaa sheegey in ciidamada Mareykanku ay si buuxda gacanta ugu hayaan Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Baqdaad.

Hogaamiyaha bataaliyanka labaad , Gaashaanle Dhexe Scott Rutter ayaa sheegey habeenkii uu Jimcuhu soo galayey ay cutubyada 3aad ee ciidamada dhulku ay gacanta ku dhigeen Garoonka Dayuuradaha.

Ciidamada Mareykanku waxa ay sheegeen in ilaa 320 ka mid ah askarta Ciraaq lagu dilay dagaalka ka dhacay Garoonka Dayuuradaha, dagaalkaas oo socdey ilaa aroornimadii Jimcaha.

Dowladda Saddam Hussein wey beeneysey in garoonka dayuuradaha la qabsadey, waxa ay sheegtey in ciidamada Isbahaysigu ay 100 Mayl u jiraan caasimadda Baqdaad.

Wariyaha BBC-da, Paul Wood ee jooga Baqdaad ayaa soo sheegaya in dagaalkii Baqdaad uu dhab ahaan bilowdey.

Ka dib markii bambaanooyin xoog leh lala dhacay Baqdaad ayaa dagaalkii dhulka ee u horeeyey uu duleedka Baqdaad ka bilowdey habeenimadii Khamiista.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.