| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 01.04.2003 - 10:07 Wakhtiga London
Saraakiisha Miltari ee Mareykanka ayaa baaraya waxa sababay in ciidamadooda ku sugan magaalada Najaf in ay xabad ku furaan baabuur ay saarnaayeen dumar iyo caruur kaas oo ay ku dhinteen ilaa 7 qof. Xarunta Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Ku taala Magaalada Dooxa ee Qatar ayaa sheegtay in baabuurkaasi uu diiday in uu joogsado oo markaasi ay ciidamada xabada cabsiin ah ku rideen, ka dibna xabada matoorka kala beegsadeen, markii uu joogsan waayayna ku furay rakaabkii saarnaa baabuurkaasi. Balse wargeyska washington Posty ayaa soo xigtay in Sargaal sare uu ku yiri mid ka mid ah ciidamada " waxaad disheen qoys idil, waayo xabada digniin ah ma iidan ridin waqti hore". Ciidamada mareykanka uu horkacaya ayaa adkeeyay amniga isbaarooyinka ay ku suganyihiin tan iyo intii afar ciidamada Mareykanka ah uu dilay nin isa soo biimeeyay oo watay baabuur sabtidii. Weriyaha BBC-da ayaa sheegaya in toogashada dakan rayidka ay hoos u dhigeyso dadaalka Mareykanka uu ugu jiro in uu u muujiyo ciidamadiisa kuwa doonaya in ay badbaadiyaan shacabka Ciraaq. Dhanka kale, Dagaal xoog leh ayaa Isniintii ku dhexmarey ciidamada Mareykanka iyo ciidamada Ciraaq magaalada Najaf iyo dhowr meelood oo kale oo ku teedsan wabiga Al - Furaat ee koofurta Baqdaad. Ciidamada sida weyn u tababaran ee guutada 101aad ee ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa ku weerarey ciidamada Ciraaq magaalada Najaf, magaaladaas oo ay ku yaalaan dhowr macbid oo ay leeyihiin dadka shiicadu. Dhanka waqooyi, magaalada Hindiyah oo ilaa iyo sideetan kilomiter u jirta magaalada Baqdaad ayaa wariye ka tirsan wakaalada wararka ee Mareykanku waxaa uu ku soo waramayaa in Ciidamada Mareykanku ay halkaa kula dagaalamayaan ciidamada Ciraaqiyiinta oo ay ku jiraan Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga. Dagaalkaasina waxaa weeye mid gacanta la isula tagey wadooyinka magaalada, halkaas oo ay Mareykanku isku dayayaan in ay qabsadaan buundo ka tilowda wabiga Al Furaat. Wasaarada Gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtey in ilaa iyo Jicihii in ciidamada Ciraaq lagu ridey seddex kun oo bomb oo kuwa is haga ah. Waxaa la filayaa in weerarkaa lagu wiiqey awooda cutubyo ka tirsan ciidamda Ilaalada Jamhuuriga ee Ciraaq. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |