|
|
 |
 Isniin, 31.03.2003 - 01:01 Wakhtiga London
 |
Dab ka kacay Bartamaha Baqdaad 
Baqdaad |
Magaalada caasimadda Baqdaad, waxaa wali lagu hayaa duqayn dhinaca cirka ah.
Weerarada bambooyinka iyo gantaalaha ayaa maalin iyo habeenba ku socday magaalada Baqdaad, iyadoo qaraxyo waawayn ay si isdaba joog ah loo maqlayo ugu yaraan saacad walba.
Dab aad u wayn, ayaa lagu soo waramay in uu ka kacay meel u dhow bartamaha magaalada.
Saraakiisha Military-ga Maraykanka iyo Britain, ayaa sheegay in afar meelood sadex meel weeraradooda cirka ah ay ku wajahan yihiin baraha ay fadhiyaan Ilaalada Jamhuuriga ah ee Ciraaqiyiinta ee ku hareeraysan magaalada Baqdaad.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|