|
|
 |
 Sabti, 29.03.2003 - 11:31 Wakhtiga London
 |
Qaraxyo cusub oo loo geestey Baqdaad 
Qaraxyadu waxa ay geysteen dhimasho badan |
Ciidamada Isbahaysiga ayaa soo cusbooneysiiyey duqeyntii magaalada Baqdaad, saacado yar ka dib markii qarax weyn oo ka dhacey suuq ku yaal Baqdaad ay ku dhinteen dad reyd ah oo ka badan 50 qof.
Saraakiisha Ciraaq ayaa sheegey in dad gaaraya 58 ay ku dhinteen markii uu gantaal nooca Kuruuska ah oo Mareykanku leeyahay uu ku dhacey suuqa la yiraa al-Nasser oo ku yaal degmada Shula.
Xarunta dhexe ee laga hago ciidamada Mareykanka ee ku taal Qatar, waxa ay sheegtey in ay weli arinkaas runtiisa darseyso.
Dhinaca kale, Saraakiisha Miletriga Mareykanku wey diideen in ay ka faaloodaan, warbixinno sheegaya in ay si aan joogta ahayn u hakiyeen duulaankii ay xagga hor ugu socdeen ee ay ugu sii siqayeen dhinaca Baqdaad, sababta sidaas loo yeeleyna ay tahay iska caabinta Ciraaqiyiinta oo ka xoog badatey tii markii hor loo maleenayey iyo sahay laga sugayo dhinaca ciidamada jira Kuwait.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|