|
|
 |
 Arbaca, 26.03.2003 - 10:28 Wakhtiga London
 |
Weeraro aroornimo oo Baqdaad lala beegsadey 
Qiiq culus oo ka dhasheya daaro la gubey ayaa samada Baqdaad ka muuqda |
Daaro iyo Xaruntii Telefeshanka Ciraaq oo ku yaalla bartamaha Baqdaad ayeey ciidamada Isbahaysigu ku garaaceen weerar ay subaxnimadii hore ee Arbacada qaadeen.
Ugu yaraan 40 qarax ayaa la soo sheegey in uu ka dhacay koonfurta magaalada Baqdaad, halkas oo la rumeysan yahay in ciidama aadka u tababaran ee Ilaalada Jamhuurigu ay dhufeesyo ku leeyihiin.
Ciidamada Britain waxa ay la dagaalamayaan kaaliyayaasha ciidanka Ciraaq oo ka sii cararaya Basra, halkaas oo lagu soo waramey in dad reyd ah ay ka soo horjeesteen dowladda Saddam Huseein.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya Basra waxa ay sheegayaan in waddooyinka magaaladu ay degenyihiin.
Dhinaca woqooyiga fogna, waxa la soo sheegayaa in ciidamada Marines-ka ee Mareykanku ay la kulmeen is-ka caabin nooca jabhadaha oo kale iyo weeraro dhuumaaleysi ah oo kaga yimid agagaarka magaalada muhiimka ah ee Nasiriya oo Baqdaad loo sii maro.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtey in loo yeerey ciidamada cirka ee Isbahysiga si ay u gacan siiyaan ciidamada Marines-ka oo iska caabin xooggan kala kulmey meel u dhow magaalada Ash Shatrah oo 40 Km dhinaca woqooyi ka xigta Nasiriya.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|