BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 25.03.2003 - 09:58 Wakhtiga London
Ciidamada Isbahaysiga oo ku dow Baqdaad
Ciidamada British-ka ee jooga duleedka Basra oo haatan go'aansadey in ay galaan magaalada
Ciidamada British-ka ee jooga duleedka Basra oo haatan go'aansadey in ay galaan magaalada

Ciidamada Isbayasiga ayaa bilaabey in ay weeraraan gudaha cududda dowladda Saddam Hussein, waxana weerarkan loo arkaa in uu yahay marxalad cusub oo adag oo dagaalka Ciraaq uu galey.

Ka dib markii shan maalmood oo isku xigta Baqdaad dusha laga garaacayey, ayeey Helicopterarada quryuhu ku rakibanyihiin iyo dayuuradaha dagaalku ay bilaabeen in si gaar ah ay u beegsadaan goobaha Baqdaad ka baxsan ee ay deganyihiin Ciidamada ugu adag waddnaka Ciraaq ee Ilaalada Janhuuriga.

Ra'iisalwasaaraha Britain, Tony Blair ayaa sheegey iskahorimaatinka ciidamada Gaashaanbuurta iyo Cutbyada Madina ee Ilaalada Jamhuuriga ee la filayo in uu ka dhaco duleedka Baqdaad uu noqon doono wakhtiga "ugu muhiimsan" ololahan.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha ciidamadu waxa ay ka walaacsanyihiin in dabeylo gobolka oo dhan laga saadaalinayo ay horjoogsato horo socodkooda.

Hogaamiyaha ciidamada Mareykanka, General Tommy Franks ayaa sheegey in ciidamadiisa ay Baqdaad uga horsantahay masaafo ka yar 100 Km.

Sida uu soo sheegey wariyaha BBC-da, Andrew North, ciidan badan oo Mareykan ah ayaa iyaguna maray magaalada Nasiriya oo ku taal dariiqa loo sii maro Baqdaad.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.