|
|
 |
 Axad, 23.03.2003 - 11:44 Wakhtiga London
 |
Dagaal qaraar oo ka dhacay Umm Qasr 
Dagaal adag ayeey Ciidamada isbahaysigu kala kulmeen magaalada Umm Qasr |
Ciidamada Mareykanku hogaaminayo ayaa dagaal qaraar la kulmey iyagoo u sii jeeda dhinaca caasimadda waddanka Ciraaq ee Baqdaad.
Meelaha sida daran ciidamada Isbahaysiga loogula loolamay ayaa waxa u horeysa dekedda Umm Qasr oo la sheegey in ay ka dagaalamayeen 120 ciidamada sida gaarka ah loo tababarey ee Jamhuuriga, taas oo ciidamada huwanta ah ku qasabtey in ay u yeertaan taageerada ciidamada cirka.
Sidoo kale waxa la sheegay in dayuuradaha dagaalka ee Mareykanku ay duqeeyeen aaggag ay ciidamada Ciraaq kaga jiraan gobolka Nasiriya. Dhinaca woqooyiga fog waxa lagu soo waramayaa in ciidan lagu qiyaasey ilaa 500 oo askari oo isticmaalaya Taangiyo iyo Madaafiic si ay u joojiyeen ciidamadii Marines-ka ee iskudayayey in ay qabsadaan waddo xiriirisa magaalada ay u socdeen.
Ciidamada Isbahaysiga ayaa sheegay in ay Baqdaad u jiraan kala bar masaafadii ay socodka ka soo bilaabeen, laakiin ay dagaallo adag kala kulmeen agagaarka magaalada barakeysan ee Naja oo ku taalla dhul lama degaan ah, oo 160 Km kaliya dhinaca koonfureed kaga beegan Baqdaad.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|