| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 22.03.2003 - 15:08 Wakhtiga London
Sarkaal ku hadley magaca ciidamada Mareykanka iyo Britain ayaa sheegey in ciidamada Isbahystey ay qabsadeen aagagga ku dhow magaalooyinka Naasariya iyo Basra. Ciidamada isbahystey waxa ay sheegeen, inkastoo la gubey uga yaraan sagaal ceel oo kuwa saliidda ah, haddana in ay badbaadsheen ceelal badan oo muhiim ah oo ku yaal dhinaca koonfureed ee dalka Ciraaq. Ciidamada gaashaanbuurtu waxa ay sheeganayaan in kummanaan ka tirsan ciidamada Ciraaq iyo hogaamiyayaashoodii ay is-dhiibeen. Laakiin ciidamada is-bahsigu waxa ay qirteen in meelo kala duwan oo ka tirsan koonfurta ay kala kulmeen iska caabin xoogga oo kaga timid dhinaca ciidamada Ciraaq. Waxa weli Ciraaq ku socda qarxin teel teel ah, ka dib markii ay soo martey habeenkii Sabtidu soo galeysey oo ahayd habeenkii ugu horeysey ee ciidamada isbahysigu ay awood cirka oo xoogan u istcmaaleen garaacista Baqdaad. Saraakiisha isbheysiga ayaa sheegey in Habeenkii Sabtidu soo galeysey ilaa aroornimadii hore ee Sabtida Ciraaq lagu redey gantaallo gaaraya 1,000 xabadood iyo bambaanooyin badan. Saraakiisha dowladda Ciraaq ayaa sheegey in saddex qof oo reyd ah ay weeraradaas cirka ku dhinteen iyadoo ay halkaas ku dhaawacmeen dad gaaraya ilaa 200 oo qof. Waxa kale oo wararku sheegayaan in Sabtidii laba helicopter oo ay leedahay Britain ay isku dhaceen iyagoo dul heehaabaya biyaha caalamiga, halkaas oo ay ku dhinteen todobo askari. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |