|
|
 |
 Jimce, 21.03.2003 - 08:23 Wakhtiga London
 |
Ciidamada Isbahystey oo Ciraaq gudaha u galey 
Ciidamada Isbahystey oo gudaha Ciraaq jooga |
Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ayaa gudaha Ciraaq u gudbey aroortii Jamcaha si ay ciidamada Saddam Hussein uga badbaadshaan weerar ay ku qaadaan ceelasha saliidda ee ku yaal koonfurta.
Laakiin cutubyo Marines ah oo ka mid ah ciidamadii xudduuda ka gudbey ayaa la kulmey xabado lagaga soo furey dhinaca ciidamada Ciraaq.
Wariyaha BBC-da Adam Mynott oo la safraya ciidamada Marines-ka ayaa sheegey in cutubyada lagu soo weerarey qoryo yar yar iyo gantaallo isla markii aan u gudubney daanta Ciraaq.
Waxa uu wariyuhu sheegey, in ciidamada Isbahysigu ay aaggan kala kulmeen iska caabin ka xoogan middii ay filayeen.
Iyadoo cutubyadii Marines-ka lagu qasbey in ay dib u soo gurtaan, ayaa ciidammo kuwa cagta ah oo British ah Woqooyiga Kuwait looga yeerey si ay bambooyin ula dhacaan aagaga laga soo weerarey Marines-ka.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|