BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 20.03.2003 - 11:47 Wakhtiga London
Adduunku wuu ku qeybsanyahay dagaalka Ciraaq
Weerarku waxa uu bilaabmey goor aroornimo ah oon weli hurdada laga kicin
Weerarku waxa uu bilaabmey goor aroornimo ah oon weli hurdada laga kicin

Madaxweyne Bush ayaa weerar dagaal ku bilaabey Ciraaq isagoo ku ballan-galey in uu "Ciraaq hubka ka dhigi doono, dadkeedana xoreyn doono".

Mr Bush ayaa khudbad uu u jeediyey shicibka Mareykanka saacaddu markii ay ahayd 05:34 am aroornimo wakhtiga Baghdad ayuu ku sheegey in dagaalka Ciraaq ee la doonayo in lagu rido Saddam Hussein uu bilaabmey.

Saddam oo Telefeshanka ka hadley wax yar ka dib markii dagaaklu bilaabmey ayaa yiri " Uma baahni in aan idin xasuusiyo waxa aad sameeneysaan si aad waddankiina u difaacddaan".

Isagoo shicibka Ciraaq toos ula hadlaya waxa kale uu Saddam yiri "Kuwa aan ilahay rumeysneyn cadaabta ha galeen".

Waddanka China ayaa dhaleeceeyey weerarka Mareykanku qaadey, waxana ay ku sheegeen weerarka Mareykanku qaadey uu ku xad-gudbey Axdigii u dhignaa Qaramada Midoobey iyo dhasmmaan shuruucdii caalamka.

Madaxweynaha France oo dhowr saacadoo wakhtigii dagaalka la qaadey ka bacdi hadley ayaa sheegey in France ay aad uga xuntahay in la qaado dagaal iyadfoo aysan Qaramada Midoobey ansaxin, balse waxa aan rajeenayaa in uu degdeg u dhamaado oo uusan geysan dhibaato aad u daran.

Markii dagaalku bilaabmey ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan uu sheegey in in uu ka walaacsanyahay dadka caadiga ah ee reer Ciraaq oo la kulmaya "burburka uu dagaal leeyahay".

Indonesia oo ah waddanka ugu weyn dowladaha Muslimiinta ah ayaa ayaa cambaareeyey dagaalka Mareykanku Ciraaq ku qaadey. Waxa Indonesia sheegtey in dagaalka Ciraaq lagu qaadey uu xaq-darro yahay, waxana ay Golaha Ammaanka ka dalbatey in la joojiyo.

Waddanka Germany ayaa xumaan iyo tiiraanyo ka muujiyey dagaalka lagu qaadey Ciraaq, waxana uu ku baaqay in la qaado tallaabo kasta oo lagu horjoogsan karo masiibo aadaminimo oo waddankaas ka dilaacda.

Sida ay soo warisey wakaaladda wararka ee France ee AFP, Ra'iisalwasaaraha Belgium, Guy Verhofstadt ayaa aad uga xumaadey dagaalka bilowdey waxana uu dhaleeceeyey wax uu ugu yeeret ku tumashada shuruucda caalamka.

Adduunku durba wuu ku qeybsamey dagaalka lagu qaadey Ciraaq, dowladaha intooda badan wey ka soo horjeedaan. Laakiin waxa jira kuwa Mareykanka ku ayidsan in Saddam laga tuuro xukunka.

Dhinaca kale, waddamada Japan, Korea-da Koonfureed iyo Philippines ayaa taageeray mowqifka dowladda Mareykanka.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.