BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 18.03.2003 - 04:43 Wakhtiga London
Bush: ' Saddam waa inuu Ciraaq ka baxo'
George Bush ayaa askarta Ciraaq ku booriyey in ay is-dhiibaan
George Bush ayaa askarta Ciraaq ku booriyey in ay is-dhiibaan

Madaxweynaha Mareykanka George W Bush ayaa Saddam Hussein u qabtey 48 saac in uu Ciraaq kaga baxo, haddii uu amarkaas qaadan waayana uu dagaal la kulmo.

Hadal uu Mr Bush uu Telefeshanka uga jeedshay dadka Mareykanka habeenkii Talaadadu soo galeysey ayuu ku sheegey in la gaarey wakhtigii Ciraaq laga tirtiri lahaa "tobannaan sano oo khayaamo iyo cadowtinimo ah".

Waxa uu Bush yiri" Saddam Hussein iyo wiilkiisa waa in ay Ciraaq uga baxaan muddo 48 saac gudahood".

Waxa uu Bush intaas ku darey "Haddii ay diidaan in ay waddanka iskaga baxaan, taasi natiijadeedu waxa ay noqon doontaa in aan qaadno tallaabo miletri taas oo bilaabmi doonta wakhtiga aan annagu xulanno."

Waxa haatan Gacanka Carbeed jooga askar Mareykan oo gaareysa 250,000 oo askari oo ay weheliyaan ciidamo kale oo ka kala socda waddamada Britain iyo Australia.

Kaligii taliyaha Ciraaq dhakso ayaa loo weyn doonaa
Madaxweyne Bush

Mr Bush waxa uu sheegey in Mareykanku uu sharci u leeyahay in uu naftiisa difaaco, waxana uu ku digey in hubka Ciraaq ay argagixisadu kula dagaalami karto Mareykanka, argagixisdaas oo ay ku jiraan xubnaha shabakada al-Qaeda ee Osama Bin Laden.

Hadalkaas uu Bush ka jeedshey Aqalka Cad ayuu ku sheegey in "Khatartu ay muuqato".

Waxa kale uu Bush yiri "Iyagoo gacan ka helaya Ciraaq ayeey argagixisadu maalin maalmaha ka mid ah isticmaali karaan hubka Bioloojikada ama Kiimikada ama xataa hubka Nuclear-ka, markaas oo ay fulinayaan riyadoodii ahayd in ay waddankeenna ku dilaan kumannaan ama boqollaal kun oo dad aan wax galabsan ah."

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.