| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 17.03.2003 - 09:47 Wakhtiga London
Xasan Barise - BBC - London Ciidanka booliska dowladda KMG ah ayaa magaalada Muqdisho ka billaabay hawlgallo ballaaran oo wax lagaga qabanayo xaaladda ammaanka ee caasimadda. Sida uu ku war bixiyey afhayeenka ciidanka booliska dowladda KMG ah, Maxamed Yuusuf Cumar Maddaale, waxa ay hawlgalladan boolisku ka dambeeyeen cabashooyin is-daba-joog ah oo ka soo yeeray dadweynaha magaalada Muqdisho oo lagaga cabanayo gaar ahaan burcadda qafaalata dadka ee dabadeed madax furashada weydiisata, waxaana ilaa beryihii la soo dhaafay la arkayey ciidanka booliska oo si weyn loogu soo daadiyey goobaha dadku ku badan yihiin, gaar ahaan isgoysyada waayweyn iyagoo si weynna u hubaysan isla markaana ay taageerayaan baabuurta loo yaqaanno tiknikada. Hawlgalladan waxay ciidanku ku billaabeen sifeynta isgoyska baar Ayaan, warshaddii hore ee Kabka iyo kulliyaddii hore ee ciidanka ee Jaalle Siyaad, goobahaasoo ay degeen burcad hubaysan, waxaana hawlgallo laga fuliyey goobahaasi lagu dilay mid ka mid ah burcaddii jidgooyada joogtay, iyadoo mid kalena lagu dhaawacay saddexdaasi gooboodna laga nadiifiyey burcaddaasi. Hawlaha boolisku kuma ekayn la dagaallanka burcadda jidgooyooyinka samaysata oo keliya, balse waxaa taasi bar-bar socday ciidanka dabagalka oo iyaguna ururinayey xogaha ku saabsan burcadda dadka qafaalata iyo goobaha ay kula dhuuntaan, sida uu sheegay afhayeenka booliska oo loo yaqaanno Maddaale. Hawgalkii ugu horreeyey waxa uu maalintii Jimcaha ahayd ka dhacay hotelka Stadio Muqdisho halkaasoo lagu haystay nin laga qafaashay masjidka Sheekh Cali Suufi agtiisa, waxayna boolisku ku guulaysteen in ay soo furtaan ninkaasi, isla markaana soo qab-qabteen labo haweeney ah iyo nin dhallinyaro ah oo loo haysto in ay ku lug-lahaayeen qafaalashadaasi. Maalintii Sabtida ahaydna waxay hawlgal kale boolisku ku soo furteen nin oday ahaa oo ay burcad ku haysteen meel aan ka fogeyn kulliyadii caafimaadka, waxaana hadda hawlgalladaasi ay boolisku wadaan ugu dambeeyey gelinkii dambe ee shalay weerar ay boolisku ku soo furteen nin kale oo isagana ay markaasi burcad baabuur ku jujuubayeen si ay u qafaashaan agagaarka koontaroolkii hore ee Balcad, waxaana iska caabbin ay sameeyen burcaddaasi ku dhaawacmay ninkii la qafaalanayey, iyadoo ay gacan weyn hawshaasi ka geysteen dadweynaha deegaankaasi. Maxamed Yuusuf Cumar Maddaale waxa kaloo uu sheegay in ay hadda ciidanka boolisku ku raad-joogaan ilaa saddex afduud oo kale oo ay ka war-hayaan oo hawlgalkooda la diyaarinayo. Ibraahin Cumar Sabriye Shaawey oo ah ninka maamulka gobolka Banaadir u qaabilsan arrimaha nabadgelyada ayaa sheegay in hawlgallada noocaan ahi ay socon doonaan ilaa inta laga cirib tirayo burcadnimada iyo ammaan-darrida. Ibraahim Shaawey waxa uu intaasi ku daray digniin uu u jeediyey burcadda isagoo dadweynahana ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka ugu yaraan xagga soo sheegista meelaha lagu maleynayo amaba lagu hubo in ay burcad joogto. Inkastoo uu dadaalkaasi socdo, haddana marka aad eegto isbitaallada waxaa muuqanaysa in dhibaatada uu hubku ku hayo ummadda ay aad u badan tahay inkastoo haddana ay xilliba xilliga ka dambeeya xaaladdu soo hagaageyso sida uu sheegay Dr Cabdi Ibraahim Axmed oo loo yaqaanno Dr CIA kana hawlgala isbitaalka Mediina ee booliska Soomaaliyeed. Waxaa BBC-da u suurtogashay in ay wax ka ogaato diiwaanka isbitaalkaasi si tusaale ahaan loo eego xaaladda ammaanka, waxaana ilaa Axaddii la soo dhaafay isbitaalkaasi Mediina la geeyey 171 qof oo la jiifiyey, kuwaasoo 83 ka mid ah yihiin kuwa qaba dhaawacyo rasaaseed, halka 22 kalena ay qabeen dhaawacyo toorreeyo, labadaas oo dhammaantoodba ka tarjumaya ammaan-darrida. Waxaa iyana sidoo kale jira 28 qof oo shilal baabuur ku dhaawacmay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |