BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 16.03.2003 - 07:48 Wakhtiga London
Kenya: Hub gaaraya 1000 qori oo la gubey

Munaasabad taariikhi ah oo ka dhacdey Beerta Xoriyadda ee magaalada Nairobi (Uhuru Garden) ayaa Sabtidii Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mr Wamalwa u dab ku qabtey hub gaaraya 1000 qori.

Mashruuca hubkani lagu gubeyo waa wajigii koobaad ee mashruuc ay dowladda cusub ee Kenya ay u qorsheysey in ay ku gubto hub kor u dhaafey 7000 oo qori oo boolisku ay ka gacan maroojiyeen dad si sharci darro ah waddanka ku soo galshey hubkaas.

Sida laga soo xigtey Wasiirka Amniga Gudaha, Mr Chris Murugaru, hubkan oo ay ku jiraan qoryaha Semi -Automatigga ah ee AK-47 iyo bistoolado rakhiis ah oo Russia iyo Mareykanka lagu sameeyey waxa sanooyin kala duwan lagala wareegey dambiilayaal iyo niman xoolo dhaqato ah.

Hubkan intiisa badan waxa laga soo helay gobolada Woqooyi ee waddanka Kenya. Qaar ka mid ah dakii u ololeenayey gubista hubkan ayaa saxaafadda u sheegey in dagaallo dhex-marey reer miyiga dhulkaas degen ay sanooyinkii na soo dhaafey ku dhinteen ilaa 1000 qof meelo kala duwan.

Dowladda Kenya waxa ay eedeymo ku sheegtey in burcadda hubeysan iyo tuugada xoogan ay sabab u tahay hubka sharci-darada ah ee Kenya uga soo tallaabaya xuduudaha waddamada dagaaladu ka socdaan ee dersika la ah Kenya.

Wasiirka Amniga Gudaha, Dr Chris Murungaru oo munaasabaddaas ka hadley waxa uu tibaaxay qaar ka mid ah qorshayowga ay Dowladda Kenya u diyaarisey la dagaalanka hubka sharci-darada ku soo galaya Kenya, waxana ka mid ah ayuu yiri:

1-In dowladdu ay sameyso olole kor loogu qaadayo tacliiminta shicibka la barayo dhibka ay leeyihiin hubka sharci-darada ah iyo sidii looga hortagi lahaa.

2-In la xoojiyo baaritaanda ay sameeyaan ciidanka cashuuraha qaada iyo waaxda socdaalka ee jooga xuduudaha.

3-In wadamada dariska ah lala yeesho xiriir gaar ah oo labada dhinac ay isakaga kaashanayaan is-weydaarsashada wararka la xiriira dhaq-dhaqaaqa hubka iyo dambiilayaasha.

Waxa kale oo uu Wasiirka Aminga Gudaha ee Kenya Mr Murungaru uu sharaxaad ka baxshey qorshaha ay dowladdiisu u hayso sidii reer miyaga gobolada Woqoqooyi ee Kenya looga daweyn lahaa macaamilooyinka hubka mamnuuca ah.

Munaasabaddan hubka lagu gubey waxa ay ku soo beegmatey sanad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtey baaqii Nairobi oo toban waddan oo ka tirsan Gobolada Harada Weyn iyo Geeska Afrika ay heshiis ku galeen cirib-tiridda hubka sharci-darada ah.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.