| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 12.03.2003 - 15:13 Wakhtiga London
Ergeyga gaarka ah ee dowladda Kenya u qaabilsan guddoominta shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Kenya, Mr Bethwel Kipligat ayaa galabta BBC-da uga waramey eedeymo shirka loo tirshey. Mr Kipligat waxa uu wariyaha u sheegey in guud ahaan shirka Soomaalidu uu si wanaagsan u socdo, laakiin ay jiraan mashaakillo yar yar, gaar ahaan waxa uu Kipligat ku dheeraadey dhibka uga yimid sidii loo yareyn lahaa tirada ergooyinka meesha jooga oo aan dooneyn in ay dib u noqdaan. Waxana aan dooneynaa in aan kharashaka yareyno, oo aan ka dhigno shirka mid si habsami leh loo maamuli karo, sidaas darteed markii aan la tashannay madaxda Soomaalida laf-ahaantooda waxa aan go'aansaney in tirada aan yareyno, hawshaasna dhammaad ayeey ku dhowdahay. Mar uu ka jawaabayey su'aal la xiriirta ka maqnaasha shirka ay ka maqnathgay dowladda la magacbaxdey Somalillanad...waxa uu Mr Kipligat shaaca ka qaadey in maamulkii isaga ka horeeyey ee shirka Soomaalida wadey uu la xiriireen 'Somaliland' oo welin aan laga quusan...Waxa uu yiri "Wafdi ayaan u dirney 'Somaliland' intii aanan anigu qaban jagadan, dadka Soamaliland waxa ay yiraahdeen, shaqadiina iska sii wata, waxa aan eegi doonnaa ilaa heerka shirku gaaro, ka dib ayaan go'aan ka gaari doonna waxa aan ka yeeleyno." Waxa Amasaddor Kipligat intaas uu ku daray in isaga iyo xubnaha kale ee Guddiga Farsamadu ay markii ay la tashadeen dowladaha lugta ku leh ee Caalamiga ay go'aan ku gaareen in kuraas gaar ah meel loo dhigo Gobolada Woqooyi Galbeed oo markii ay doonaan ay soo doonan karaan. Mar wax laga weydiiyey eedeymaha ergooyinka qaar ay ku andacoodeen in shirka ay dowladda Ethiopia ay si gaar ah u maamusho... Amasaadodo Kipligat waxa uu ku jawaabey..taasi ma ahin su'aal meesha ku jirta..annagu waxa aan nahay kuwa u jooga hawl-fududeyn, wey jiraan go'aamo aan gaarno oo guud, laakiin go'aamada xooggooda waxa iska leh Soomaalida..shirku waxa uu leeyahay guddoomiye iyo lix guddi oo Soomaali ah oo hawlaha kala wada. Qorshaha shirka, fikirkiisa iyo go'aamadiisa rasmiga ah dhammaan Soomaali ayaa leh..haddii mid ka mid ah dowladaha safka hore ee IGAD ee shirka fududeyntiisa haya uu ra'yi keeno, ma aha macnaheedu in horey laga qaadanayo ee waa la isla wada eegaa, haddii la isku khilaafana waa laga wada xaajoodaa oo markaas wada jir loo xalliyaa. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |