|
|
 |
 Talaado, 11.03.2003 - 05:17 Wakhtiga London
 |
France: 'ma ogolaaneyno ansaxinta qaraar dagaal wata' 
Ciraaq oo isu diyaarinaya dagaal laga yaabo in lagu qaado waddankeeda |
Waddanka Frace ayaa sidii Russia ay horey u yeeshey iyaduna ku dhawaaqdey in ay codka 'Veto' ku diidi doonto haddii Golaha Ammaanka la hor keeno qaraar cusub oo Ciraaq wakhti kooban u qabanaya.
Madaxweynaha France ayaa sheegey in waddankiisu uu codka qayaxan ee 'Veto' ku lagdi doono, qaraar alla qaraar kasta oo ay ku jirto hanjabaad dagaal.
Faalada Madaxweyne Chirac waxa ay daba socotaa, hadal uu Wasiirka Arimaha Dibadda ee Russia, Igor Ivanov uu ku sheegey in waddankiisu uu codka qayaxan ee 'Veto' ku tiuuri doono qoraalka qabyada ah ee qaraarka cusub ee ay sii jeedsheen Mareykanka iyo Britain.
Mowqifka ay qaateen France iyo Russia oo labaduba Golaha Ammaanka ku leh kuraas joogta ah, waxa ay jug weyn ku tahay siyaasadda Mareykank uu ku doonayo in uu taageero ugu helo dagaal lagu qaado Ciraaq.
Todobaadkan oo ku bilowdey maalin ay jirtey tallaabooyin diblomaasi oo aad u kacsan, Madaxweyne Bush waxa uu telefoon kula hadley madax kala duwan isagoo aad iskudayey in uu dhacsiiyo in ay taageeraan qaraarka cusub ee waddankiisu hormoodka ka yahay.
Golaha Ammaanku Isniintii ayuu iskugu soo laabtey la tashiyo, laakiin codbixinta qaraarka cusub lama filayo in ay ka soo hor marto Arbacada.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|