BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 09.03.2003 - 12:50 Wakhtiga London
Kenya: warbixin ku saabsan shirka Soomaalida

Cabdiraxman Yabarow - Nairobi


Waxa xafiiska BBC-du uu helay nuqulkii Warqad uu Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan uu dhawaan u soo direy, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya, Mr Kalonzo Musyoka.

Qoraalkaas nuqulkiisana waxa la siiyey Ergeyga Kenya u qaabilsan dib-u-heshiisiinta Soomaalida Ambassodor Bethwel Kipligat.

Dulucda warqaddaas waxa uu Cabdiqaasim ku yiri, mudane, maadaama Raissal Wasaarihii iyo Afhayeenkii Golaha Shacbka DKMG ay labaduba shirka ka maqnayihiin, waxa aan go'aansadey in ku-xigeenka koobaad ee Golaha Shicibka DKMG Mr Maxamed Cabdi Yusuf uu si rasmi ah wakiil uga noqdo DKMG ah oo uu qabto hogaanka wafdiga DKMG uga qeybgalaya Shirka Dib-u-heshiisiinta ee haatan ka socda Kenya.

Waxa BBC-da Warqaddan la soo gaarsiiyey xilli ay dad badani is-weydiinayaan cidda hogaamineysa wafdiga DKMG ah, shakigaas oo ka dhashey go'aankii ay afar xubnood oo ka mid ahaa wafdigii rasmiga ah ee DKMG ah iyo qaar kale oo ka tirsan DKMG laakiin aan wafidga rasmiga ah aan ku jirin ay Khamiistii ku dhawaaqeen in ay shirka dib u - heshiisiinta ka qeyb-gali doonaan, arintaas oo kooxda sheegatey in ay matileyso DKMG ay ka caroodeen.

Waxa iyaduna xusid mudan in isla maalintii ay kooxdaas sida gaarka ah uga baxdey wafdiigii weynaa ee DKMG ah ay ku dhawaaqdey in ay ka qeybgaleyso shirka dib u heshiisiinta, uu Ku-Xigeenka Guddoomiya Golaha Shacabka ee DKMG ah Maxamed Cabdi Yusuf uu warqad u qorey Ergeyga Kenya ee maamula shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida, Mr Bethwel Kipligat.

Waxa Mr Yusuf uu warqaddiis ku cadeeyey in kooxdii dhawaan ku dhawaaqdey in ay shirka ka qeybgalayaan iyagoo khilaafsan DKMG ah oo ay hormood u yihiin :
1-Cabdiraxman Nour Maxamed (Diinaari) &
2-Asha Axmed Cabdalla oo labaduba ka tirsan Golaha Wasiirada ee DKMG ah iyo qaar kale aysan mataleyn DKMG ah oo aan loo ogolaanin in ay shirka uga qeybgalaan magaca DKMG ah.

Inakstoo xafiiska BBC-du uu Aaxaddii aad isku-day in uu la xiriiro Mr Kipligat iyo dad kale oo ka mid ah afraadda la shaqeeya oo arinka laga wareysan lahayn, nasiibdarro waa la waayey.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.