|
|
 |
 Sabti, 08.03.2003 - 03:51 Wakhtiga London
 |
Blix: baarayaashu waxay u 'baahan yihiin bilo' 
Mareykanku waxa ay ku adkeysanayaan in Ciraaq ay tahay mid sharciyo jabisey |
Madaxa hub baarayaasha Qaramada Midoobey, Hans Blix ayaa sheegey in ay bilo qaadaneyso inta laga ogaanayo in Ciraaq ay si buuxda ugu hognaasanaatey waajibaadkii ka saarnaa burburinta hubkeeda.
Waxa uu Blix u sheegey Golaha Ammaanka "ma qaadneyso wakhti gaaraya sanooyin ama todobaadyo, laakiin waxa ay qaadaneysaa bilo".
Laakiin Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanaka, Colin Powell ayaa arinkaas ka jawaabey isagoo sheegey in dadaalda Ciraaq ee hub dhigisto aysan ahayn mid Ciraaq ay iskeed wax u qabaneysey, mana aysan la imaan wadashaqeyntii xooganeed ee qaraarka Qaramada Midoobey uu dalbadey.
Dhinaca kale, arin taas ka soo horjeeda waxa jeediyey Wasiirka Arimaha Dibadda ee France, Dominique de Villepin oo sheegey in ay jiraan cadeymo la taaban kaaro oo hub dhigis rasmi ah.
Burburinta la burburshey gantaalada waxa ay ka marag kaceysaa qiyaas weyn oo ku saabsan hub burburinta...waxa aan daawaneyno ma ahin qoryaha lagu findhicisho oo la jajabshey, ee waa hub dhimashi keeni kara waxa la burburshey | | Hans Blix |
Halista Ciraaq maanta adduunka ku heyso waxa ay joogtaa meel ka hooseysa meeshii ay joogtey wakhtigii ka horeeyey dagaalkii 1991kii, mana loo baahno dagaal xooggan oo Mareykan ku qaado Ciraaq.
Mr Blix waxa uu sheegey in Ciraaq ay intii ka dambeysey bishii January dhammaadkeedii ay dedejisey wadashqeyntii ay siineysey baarayaasha hubka, taas oo ka timid cadaadis ay bulshada caalamku saartey.
Sidoo kale, Mahammed ElBaradei, madaxa kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan ilaalinta Nuclear-ka ayaa isaguan warbixin uu u gudbiyey Golaha Ammaanka ku sheegey in kooxdiisu aysan helin wax ka marag kacaya in Ciraaq ay soo nooleysey barnaamijyadeedii Nuclear-ka.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|