BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 05.03.2003 - 15:11 Wakhtiga London
Somalia: dagaallo Arbacadii ka soo cusboonaadey Baydhabo

Xasan Barise - Muqdisho


Dagaal ayaa subaxnimadii Arbacada mar kale ka billowday gobolka Baay ee Baydhabo, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyinka kala taageera hoggaamiye kooxeedyada beryahanba halkaas isku hayey.

Dagaalku waxa uu billowday goor aroornimo oo weli dadka inta badan ay hurdaan goortaasoo maleeshiyooyinka taageera Colonel Xasan Maxamed Nuur Shaarguduud ay magaalada Baydhabo ka weerareen saddex daafood oo kala geddisan sida ay ku war bixiyeen goobjoogeyaasha ku sugan magaaladaasi.

Dagaalkan oo socday muddo saacad ka badan ayaa khasaarooyin naf iyo maalba leh geystay iyadoo goobjoogeyaashu ay xaqiijinayaan dhimashada ugu yaraan afar qof iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay siddeed kale oo dhammaantoodna ah raggii dagaallameyey. Dagaalkan dhacay Arbacadii ma jirin cid shicib ah oo wax ku noqotay amaba khasaarooyin kale oo uu geystay marka laga reebo khal-khalka galay deggenaanshaha magaalada.

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo hoggaamiye dhinaca haatan magaalada ganacta ku haya ayaa ku eedeeyey maleeshiyada Colonel Shaarguduud in ay jebiyeen xabbad-joojintii lagu heshiiyey iyo joojintii colaadda ee lagu saxiixay magaalada Eldoret ee dalka Kenya bishii Oktoobar ee innaga tagtay.

Xaabsade waxa uu dhinaciisa qirtay in dagaalkii subaxa Arbacada ay kaga dhinteen labo ka mid ah maleeshiyadiisa iyadoo ay lix kalena ka dhaawacmeen, wuxuuna ku dooday in ay dhinaca kale ka dileen lix ka mid ah maleeshiyadooda isla markaana ka dhaawaceen 15 kale.

Xasan Axmed Biikole oo isagana u hadlay dhinaca Colonel Shaarguduud ayaa sheeganaya in ay dhinaca Xaabsade ka dileen 14 nin isla markaana ka gubeen hal baabuur oo kuwa dagaalka ah. Biikole waxa uu sheegay in aanay dagaalka joojin doonin oo ay wadi doonaan ilaa buu yiri aan dhinaca kale kaga khasbayno in ay nabadda qaataan.

Sheegashooyinka labada dhinac marka laga soo tago, waxay dadka reer Baydhabo la kulmayeen dagaallo khasaarooyin badan geystay oo socday ilaa sannadkii hore, waxaana ay dagaalladii ugu dambeeyey ka dheceen magaalada Baydhabo bishii Nofember oo labo goor dagaal hubaysan la isaga horyimid labada dhinac iyadoo isku darka labadaasi jeerna ay dhinteen dad ka badan 34 qof oo ay ku jireen dad rayid ah.

Magaalada Baydhabo ayaa haatan xasilloon iyadoo ay maleeshiyooyinkii weeraray magaalada ee Colonel Shaarguduud misana dib uga gurteen. Dadka reer Baydhabo ayaa sheegaya in weerarradan cusub ee ku-dhufoo-ka-dhaqaaqda ahi ay u sii khatar badan yihiin dhinaca maleeshiyooyinka dagaallama marka la bar-bar dhigo dagaallada safka ballaaran ah ee ay inta badan ku waxyeelloobaan dadka rayidka ah iyo hantida gaar ahaaneed intaba.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.