|
|
 |
 Arbaca, 05.03.2003 - 18:45 Wakhtiga London
 |
Ururka Islaamka oo diiday in la weeraro Iraq 
. |
Dalalka Islaamka oo shir sare uga socday dalka Qatar, ayaa sheegay in ay gabi ahaanba diidan yihiin fikradda ah weerar Maraykanku ku qaado Iraq.
Waxay ku nuuxnuuxsadeen sida loogu baahan yahay in arrinta Iraq xal nabadeed loo helo iyadoo la raacayo UN.
Talaabo la sii sheegay oo ahayd in shirku ka wada hadlo Madaxwayne Saddam Hussein inuu masaafuris dibaddaha ku aado, ayaa laba soo qaadin, Hase yeeshee, doodii ayaa sii kululaatay markii nin ka mid ah ergada Kuwait, isagoo qaylinaya uu ku iri Madaxweyne ku xigeenka Iraq oo shirka ka matalayey dalkiisa, "war aamuus eey-yohow," Izzat Ibraahim, oo ku eedeyey Kuwait in ay maleegeyso shirqool ay u majaxaabineyso Iraq ayaa ugu jawaabay, "war aamus daan-yeer-yohow."
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|