| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Jimce, 28.02.2003 - 16:26 Wakhtiga London
Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa si weyn ugu kala qeybsan arinta ah in Iraq weerar lagu qaado iyo in kale, waxaana haatan uu goluhu ka baaraandegayaa warbixin cusub oo Hans Blix uu bixinaya. Arin walba oo ku soo koradha ayaa waxaa saameysaa loolanka iyo kala jabnaanta ka dhex jira Golaha Amaanka ee QM. Loolanka u dhaxeeyo Goluhu ma'aha mid ku saabsan in uu jirayo dagaal iyo in kale iaydoo inta badan dadku haatan ay u haystaan in uu yahay dagaalku mid aan la baajin kareynin. Su'aashu ayaa waxaa ay tahay sidee ayuu u dhacayaa dagaalku maxuuna noqonayaa saameynta uu ku yeelan doono Iraq iyo guud ahaan gobolka oo idil. Markaasi warka Iraq ka soo baxaya oo sheegaya in ay iyadoo ka careysan ay burburinayso gantaaladeeda Alsamood ayaa waxaa ku gacanseyray Raiisal wasaaraha waddanka Britain Tony Blair isagoo sheegaya in waqtigan uu san ahayn waqtigii ciyaarta. Kuwa u ololeynaya in la sii wado baaritaanada hubka sida France, Ruushka iyo Germany ayaa arintani ay ugu muuqataa mid astaan u ah in xal nabadeed loo heli karo mashaakilka Ciraaq. Waxaa kaloo sidan si la mid loo turjumanayaa oo loogu kala qeybsamayaa warbixinta cusub ee uu soo gudbinayo madaxa baarayaasha hubka ee QM hans Blix . Golaha Ammaanka ayaa weli si weyn u kala go'an lama na garanayo natiijadu waxa ay noqon doonto. wasiirka Arimaha Dibadda ee Russia Igor Ivanov ayaa sheegay in waddankiisa u isticmaalayo diidmada qayaxan ee Veeto haddii loo arlo in daghaal la qaado uu khatar gelin karaya xasiloonida caalamka.balse ma uusan sheegin in Veeto saarayaan go'aan labaad oo ansixinayo dagaal. Xeeladda Mareykanka iyo Britain ay isticmaal;ayaan ayaa ah in la meel dhigo sagaalka codood ee loo baahanyahay in go'aan lagu ansixiyo sidaasina ay holiyaan France iyo Russia in ay hore u talaabaan oo diidmada Veeto-ga saaraan go'aankaasi. Iyaguna waxaa ay isku taxluujinayaan in aan la helinba sagaal codood si ay uga baaqdaan in ay diidmada qayaxan isticmaalaan. Haatanna lixda waddan ee yaryar oo aan iyagu qeyb libaax leh dooddu aan ka qaadan kareynin ayaa ka cabanaya in waddamada waaweyn ay talada go'aaminteeda iyagu ku daayeen. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |