| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 26.02.2003 - 15:49 Wakhtiga London
Xasan Barise - Muqdisho Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in uu maalintii shalay dagaal qaraar ka dillaacay magaalada madaxda gobolkaasi ee Bu'aale, halkaasoo ay isku hardiyeen maleeshiyooyin beeleed soo kala horjeeda. Dagaalkaasi magaalada Bu'aale ayaa billowday aroornimadii hore ee shalay halkaasoo ay maleeshiyooyin beeleed magaalada sii joogay ku soo weerareen maleeshiyooyin beeleed kale oo laakiin ka wada tirsan deegaanka iyo beesha guud ahaaneedba. Waxaa mar keliya hawada laga waayey maagalada Bu'aale maalintii shalay, sidaasi darteedna wararka laga heli karayey halkaasi ayaa aad u xaddidnaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan toban nin oo dhammaantood ahaa kuwii dagaallamayey iyo ugu yaraan 30 kale oo ku dhaawacantay dagaalkaasi shalay oo keliya. Cabdi Iimaan Guhaad oo ka tirsan mid ka mid ah dhinacyada halkaasi ku dagaallamay oo ay BBC-du la xiriirtay isagoo jooga magaalada Xagar ayaa sheegay in dhinacooda ay dhimashadu tahay labo qof iyo saddex dhaawac ah. Maxamuud Xasan Dhogor oo ka tirsan duqeyda magaalada Bu'aale haddana ku sugan magaaladaasi oo aan khadka isgaarsiinta fooneeyaha loo yaqaanno kula xiriiray maanta ayaa ku gaabsaday inuu dagaalku ahaa mid u dhexeeya dad ehel ah, haatanna ay xaaladda magaaladu deggan tahay. Sababta dagaalkan ayaanan weli si rasmi ah loo sheegin, hase yeeshee Cabdi Iimaan Guhaad ayaa sheegay in uu ku lug leeyahay khilaaf ku saabsan gacan ku haysta magaalada Bu'aale iyo deegaankaasi oo dhan. Dagaalladan labadan beelood oo ka wada tirsan beelaha Absame ayaa soo billowday bishii November ee innaga tagtay, goortaasoo magaalada Xagar agteeda lagu dilay nin, dabadeedna kala aargoosi ka dhashay uu dagaalkeedu ku soo fiday magaalada Bu'aale dabadeena wuxuu isu beddelay sheegashooyin deegaan. Dagaalladan labada beelood u dhexeeya waxa uu kii ugu dambeeyey dhacay mar hadda laga joogo siddeed maalmood waa Arbacadii horee goortaasoo ay maleeshiyooyinka labadan beelood is-hardiyeen isla deegaankaasi waxaana la sheegay in ay dagaalkaasi ku dhinteen ilaa lix qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Intii ay dagaalladan socdeen waxa ay saameyn xoog leh ku yeesheen tuulooyinka Banta oo Arbacadii hore la gubay, Beer Fuule, Qardhaale, Caanoole, Kafiga iyo kuwo kale, kuwaasoo intooda badan laga barakacay. Duqey fara badan oo ka tirsan goleyaasha dowladda ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada kana soo jeeda beelahaasi Absame ayaa maanta soo saaray baaq ay ku dalbayaan in xabbadda la joojiyo. Maxamed Mowliid Weyrax oo isagana guddoomiye urur la yiraahdo Jubba Intellectual Association ayaa isagana baaq kaas la mid ah soo saaray maanta oo ay ku dalbayaan in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka jira. Sidoo kale isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa ku baaqay nabad taas ka mid ah, waxayna ku yabooheen in ay xitaa halkaasi geynayaan ciidamo kala dhex gala si nabadda loo soo celiyo. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |