| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 22.02.2003 - 14:57 Wakhtiga London
Xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaanna woqooyiga magaalada ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxaysa iyadoo dhaca iyo dilka ay maleeshiyooyinku geysanayaan ay soo kordhayaan. Isku dhaca Sabtidii dhacay wuxuu ahaa mid aanan hore loo sii sugaynin inkastoo labada kooxood ee dagaallantay Sabtidii ay ilaa habeenkii Jimcuhu soo galayey ay xoogaha xurgufo ah u dhaxaysay. Labadan kooxood oo ka wada tirsan hal jilib oo ka mid ah beelaha deggan woqooyiga Muqdisho ayaa Sabtidii isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, deegaanka ku hareeraysan Maanaboolyo. Inta la ogyahay ugu yaraan hal qof ayaa dhintay ilaa toddoba kalena wey dhaawaceen, kuwaasoo u badan dad rayid ah oo ay haleeshay rasaas habaw ah. Waxaa sidoo kale jiray guryo iyo dhismeyaal ay rasaastaasi xoogga lehi waxyeellaysay, iyadoo ganacsigii suuqa Maanaboolyo iyo dhaq-dhaqaaqii gaadiidka dadweynuhuba ay gebi ahaan istaageen deegaankaasi, gaar ahaanna waddada Maanaboolyo. Duqeyda labada dhinac ayaa durbadiiba u gurmatay joojinta colaaddaasi kuwaasoo ku guulaystay joojinteeda, dadkuna colaaddaasi qaarba si ayey u macneeyeen. Nin ka mid ah ganacsatada deegaankaasi oo aan laakiin doonaynin in magaciisa la carrifo ayaa sheegay in is-afgaranwaagu uu ku salaysan yahay siyaasad iyo dhaqaale-doon is-huwan. Qeyb ka mid ah labada dhinac ee dirirtay ayaa waxoogaa canshuur ah ka qaadi jirtay suuqaasi, iyadoo qeybta kalena ay haatan isu soo taagtay in ay joojiso qaadidda lacagtaasi sida uu sheegay ganacsadahaasi. Dadka qaarna waxay ku fasireen dagaalka in uu yahay mid siyaasadeed, laakiin weli lama hayo cid ka tirsan siyaasiyiinta la yaqaanno oo isu soo taagta sheegashada dagaalkaasi. Si kataba ah ahaatee, dagaalkan waxa uu ku soo beegmay xilli ay qaar badan oo ka mid ah siyaaasiyiinta deggan woqooyiga Muqdisho si aad ah u wadeen dadaal wax lagaga qabanayo xasillooni-darrada magaalada, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay kolba dhacayey weerarro maleeshiyo oo uu ugu dambeeyey mid lagu tilmaamay in uu ahaa kam’a oo lagu qaaday wasiir ku xigeenka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda KMG ah, Mudane Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) halkaasoo ay labo qof ku dhinteen nin kalena uu ku dhaawacmay, iyadoo uu wasiirkuna ka badbaaday weerarkaasi. Waxaa sidoo kale weli magaalada Muqdisho ka jira burcadnimo ay haatan ugu daran tahay afduubka oo laakiin hadda si gaabis ah u socda. Siyaasiyiinta magaalada oo intooda badanna hadda Muqdisho jooga ayaanan weli si fool-ka-fool ah isu arkin inkastoo uu mid kasta sheego in ay doonayaan ka shaqeynta nabad ballaaran oo laga hirgeliyo magaalada Muqdisho, dadkuna waxay si weyn isu weydiinayaan cidda laga sugayo ka shaqeynta nabaddaasi afka uun lagu wada hayo. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |