| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Jimce, 21.02.2003 - 15:23 Wakhtiga London
Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Geeska Africa Major-General John Sattler ayaa soo gebagabeeyay saddex maalmoosd oo uu ku tegay waddanka Ethiopia, waxaana uu caddeeyay doorka Ethiopia ay ka ciyaareyso la dagaalanka argagixisada. Waxaana uu wadahadalo ku saabsan doorka waddanka Ethiopia ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada la lahaa masuuliyiinta waddankaasi. Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Geeska Africa oo ka kooban 1500 oo askari ayaa saldhogooda yahay waddanka Djibouti waxaana looga gol leeyahay in ay aqoonsadaan, weeraraan islamarkaana ka guuleystaan waxa ay ugu yeeraan shabakadaha argagixisada ee Gobolkaasi ka jira waxaana ay iskaashi la leeyihiin dowladaha Gobolka. Ka dib weeraradii lagu qaaday magaalooyinka Washigton iyo New York ayaa Gobolka Geeska Africa loo aqoonsaday misd gabaad u noqon karaya xubnaha shabakadda Al-Qaacida. Mareykanka marka la eego Geeska Africa waxaa uu welwel weyn ka qabaa waddanka Soomaaliya . Waxaa uu kutilmaamaa waddankaasi oo aan lahayn dowlad adag, dowlad fashilantay. Generaalku waxaa uu sheegay in fikradda haatan ay ku shaqeynayaan ay tahay in argagixisada ay sida ay doonaan uga fulin karaan howlahooda waddanka Soomaaliya. Waxaa kaloo uu sheegay in ay jiraan astaamo wax ku ool ah oo muujinaya in dadkii geystay weerarkii lagu qaaday Hoteel ku yaala magaalada Mombasa ee waddanka Kenya oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 15 qof afartameeya kalena ay ku dhaawacmeen ay taageero ka haysteen gudaha waddanka Soomaaliya. Ethiopia ayaa xudduud dheer la wadaagta waddanka Soomaaliya- sidaasi awgeedna waxa ay hubin muhiim ah ka tahay dadaalka Mareykanka uu kula dagaalamaya Argagixisada. Waxaa uu sheegay taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Geeska Africa in haddii Mareykanka uu helo warar sheegaya in uu jiro saldgih milatari oo ku dhow xadka Ethiopia, markaasi waxaa uu ku dhiirigelinayaa Dowladda Ethiopia in ay talaabo ka qaaddo wararkaasi. Waxa ugu weyn ee looga gol leeyahay iskaashiga la leeyahay Gobolka ayaa ah in hawlgalada noocan oo kalle ah ay noqdaan kuwa aflaxo ayuu ku daray. Ciidamada Mareykanka ayaa baaraya hawlgalada Al-qaacida ee Gobolka, waxaana Generaalku uu sheego baaritaanada lagu hayo dadka la tuhunsanyahay oo ay ku dabajoogaan aan la gaarin natiijooyin waaweyn sida Mareykanka uu hore u rajeynayay. balse waxaa uu sheegay in ciidamada aysan wax ixsaan ah u haynin cida alle iyo ciddii lagu tuhmo in ay argagixisa tahay. Dhnaca kalena Madaxweynaha Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee waddanka Soomaaliya Cabdiqaassim Salaad Xasan ayaa sheegay in Shabakadda Al-qaacida iyo hoggaamiyaheeda Osama Bin Laden aysan ku sugneen waddanka Soomaaliya. Wareysi uu siiyay Taleefiishanka afka carabiga ah ee Al-Jazeera ayaa Cabdiqaassim uu ku sheegay in Mareykanka uu baaritaano uu qaaday ku ogaaday xaqiiqdani balse ilaa iyo haatan ay ciidamadiisa gaaf wareegayaan badaha Soomaaliya si ayan argagixisada u soo gelin Soomaaliya. cabdiqaassim ma uusan u jawaabeynin General John Sattler, hoggaamiyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Geeska Africa |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |