| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 13.02.2003 - 09:50 Wakhtiga London
Farxiya Cali Qajo - Muqdisho Shirkad ka shaqeysa Nadaafadda ayaa Muqdisho ka bilowdey hawl ay kaga gureyso qashinka, shirkaddaas oo qalab badan la timid waxa keeney niman ganacsato ah. Shirkadda hawshan bilowdey oo lacag ka qaadanaysa dadka ay qashinka ka gurto waxa y hawsheeda inteeda badn ka bilowdey goobo ganacsi Shirkadan oo lagu magacaabo Siti Gurub ayaa waxaa la arkayay baryahanba baabuuro iska rogayaal ah oo ay leeyihiin oo qashinka ka guraya suuqa weyn ee Bakaaraha, Cusbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho qaarkood iyo waliba xaafadaha la dagan yahay dhaxdooda, ayadoo halka ay qashinka ay ka gurayaana ay yaalaan fuustooyin, caagag iyo waliba baakooyin lagu sii dhexriday baco diyaarsan . Cali Cabdule Qaawane oo ah Gudoomiyaha Shirkada nadaafada Siti Gurub ayaa sheegay in ujeedadooda ugu wayni ay tahay in ay lacag ka sameeyaan ururinta qashinka, ayadoo ay taasina u wehliso in ay gacan ka gaystaan bilic samida Magaalada Muqdfisho, isagoo intaasina sii raaciyay ka hor intii ayan hawshan qashin ururinta ah bilaabin in ay daraasad ku sii sameeyeen baahida loo qabo qashin ururinta , ayagoo ka dibna diyaariyey Fuustooyin, Caagag iyo Kartoono Bako leh kuwaasoo koogu geeyo dadka soo dalbada goobahooda ganacsiga, guryada xarumaha shaqooyinka sida Cusbitaalada si ay qashinka ugu sii ururiyaan weelashaasi. Cali Qaawane waxaa kaloo uu sheegay dadka soo dalbanayo Fuustooyinka ay ka qaadaan lacag dabaaji ah oo dhan 50 ilaa 100/ kun shilin Soomaali ah, halka marka ay qashinka fogaynayaan ay dadka macaa miisha la ah ay ka qaadaan lacag u dhaxaysa shan ilaa 10 toban kun shilin Somaali ah, taasoo ku xiran hadba qofka weelka qashinka lagu shubo ee uu isticmaalay. Shirkadan nadaafadeed ayaa aydu waxay qashinka u fogaysaa godad waayayn oo ku yaala xeebta ama badda, aydoo isla markaasina hawsheedu ku soo beegantay xilli uu Magaalada Muqdisaho ka Jiro shubanka loo yaqaano koleera isla markaana ay u baahan tahay nadaafad-guud, si ugu yaraan loo hakiyo cudurka shubanka, waxaan soo dhaweeyay hawshan hawlwadeenada caafimaadka, walo ay hadana tahay mid lacag ay kusamaynayaan ganacsatada. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |