BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 10.02.2003 - 06:19 Wakhtiga London
Xajjkii Muslimiinta oo galay maalintii u dambeysay
Dad gaaraya laba malyuun oo Muslimiin ah ayaa sanadkan Xajjka gudanaysa
Dad gaaraya laba malyuun oo Muslimiin ah ayaa sanadkan Xajjka gudanaysa

Cabdiraxman Yabarow - Nairobi


Dad gaaraya laba malyuun oo Muslimiin ah ayaa todobaadkan iskugu tagey magaalada barakeysan ee Mecca ee waddanka Saudi Arabia, si ay u gutaan waajibaadka Xajjka.

Dhinaca Soomaaliya waxa sanadkan Xajiyey dad gaaray siddeed kun oo qof, iyadoo boqollaal kale oo Soomaali ah ay ka soo Xajiyeen wadamada dibadda ka ah Soomaaliya.

Cali Jaamac Cilmi (Cali Koos) ayaa dhambaal uu BBC-da Jiddeh uga direy Axaddii ku sheegey in Madaxweynaha Dowladda ku-meel Gaarka ah ee Soomaaliya Cabdiqasim Salaad Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo ay iyaguna Xajjka ku tageen martiqaad ay ka heleen dowladda Sacuudiga.

Waxa Axaddii Muslimiinta adduunka daafihiisa kale duwan isakaga yimid u bilaabmay gudashada qodobkii koobaad ee waxyaabihii Xujjeyda laga doonayey oo ah DAWAAFUL QUDUUM, ka dibna ay u gudbi doonaan meesha la yiraa MUNA.

Maalinta Isniinta ah ee bisha Muslimka ee Dul-Xajja ay tahay sagaalka ayeey Muslimiinta Xajinaysa dusha uga bixi doonaan buurta Caraf, halkaas oo ay ku gudanayaan qodobka ugu muhiimsan waxayaabaha laga doonayo Xujiyada oo ah WUQUUFAL CARAFA (Joogsiga Buurta Carafa).

Culamaa'udiin Soomaaliyeed oo BBC Online Nairobi ugu waramey ayaa sheegey in maalinta sagaalka carafa ay fadliyo badan ay leeday, waxana fadaa'ilka maalintaas ka mid ah iyadoo qofka sooma maalintaasi uu helayo ajir la mid ah qofka sooma laba sanadood, sidoo kale waxa culumadu ay sheegeen in qofka sooma maalinta sagaalka Carafa uu helayo dambi dhaaf la xiriira dunuubta yar yar ee qofkaasi horey u geestey.

Saraakiisha Sucuudiga ayaa ku hanajabay in ay "gacan bir ah " ku qaban doonnaan koox kasta oo aragagixisa ah oo iskudayda in ay carqaladeyso hannaan u socodka Xajjka.

Tallaabbooyinka taxadirnimo ee sanadkan aan u qaadnay Xajjka aad ayeey u sareeyaan
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Sucuudiga, Amir Nayef

Ciidamo gaar ah oo labisan dhar gaar ah oo ay la socdaan ilaa 3,000 oo boolis ah ayaa ku gaardinayey duleedka magaalda Mecca, sidoo kale waxa buurta Caraf agteeda la geeyey baabuurta gaashaaman iyo hub kale, dhammaan hubkaas iyo carbiskaas waxa ay ka mid yahiin diyaargarowga ay Sucuudigu ku soo bandhigayaan xoogga ay ugu talagaleen ilaalinta ammaanka Xujiyada sanadkan.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.