|
|
 |
 Khamiis, 06.02.2003 - 09:28 Wakhtiga London
 |
Somalia: dab qabsadey guryo ku yaal Baardheere
|
Xasan Bariise - Muqdisho
Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Taladadii gelinkeedii dambe uu halkaasi ka kacay dab qabsaday qeyb ka mid ah xaafadda Hillaac ee magaaladaasi.
Sida uu khadka talefoonka ee magaalada Baardheere iigaga sheegay Aadan Xaaji Xuseen oo loo yaqaanno Aadan Barakaale oo ka mid ah ganacsatada iyo duqeyda magaaladaasi, waxa uu dabku baabi’iyey ilaa lix guri oo carshaan ah, halkaas oo ay ku baaba’een dhammaan wixii dhex yaallay.
Warku waxa uu intaasi ku darayaan in dabkaasi oo socday muddo dhan saddex saacadood aysan cidina ku dhiman, cidina uusan ku gaarin dhaawac weyn, iyadoo damintiisana ay ka qeybqaateen dadweynaha magaalada oo aan u kala harin, iyadoo la kaashaday biyaha webiga iyo gawaarida biyaha ka shaqeysa ee magaalada.
Sababta dabkaasi kicisay ayaanan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo sheegin, hase yeeshee Aadan Barakaale waxa uu sheegay in uu ka kacay jiko ay haween raashin ku karsanayeen meel dibadda ah, taasoo dabadeed ay dabayl qaadday kuna dhejisay cariish halkaasi ku dhowaa.
Maamulka degmada, duqeyda iyo ganacsataduba waxay Arbacadii ku jireen abaabul la doonayey in lagu meeleeyo dhammaan qoysaskaasi ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkaasi, oo laga shaqeeyo sidii dib loogu dejin lahaa iyo sidii ay u heli lahaayeen goglo ay ku seexdaan iyo wax ay cunaan intaba.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|