|
|
 |
 Axad, 02.02.2003 - 09:06 Wakhtiga London
 |
Dadkii Dayaxgacmeedka saarnaa oo hilbahoodii la helay 
Saraakiisha Mareykanka ayaa helay hilib ka haray dadkii ku dhintay Daxaygacmeedka burburey |
Qeybo ka soo haray Dayxagacmeedkii burburey isagoo daqiiqado uga harsanyihiin in uu dhulka ku soo caga dhigto ayaa hilbo dad leeyahay laga dhex helay.
Dhammaan todobadii Cirbixiyeen ee saarneyd Dayaxgacmeedkaas ayaa dhintey Sabtidii, ka dib markii Dayaxgacmeedkii ay saarnaayeen uu soo galay hawada dhulka aan ku noolahay oo uu burburey.
Saddex baaritaan oo kala duwan ayaa laga sameyn doona qaraxa Dayaxgacmeedka ku yimid. Wakaaladda Nasa waxa ay furi doontaa baaritaan iyada u gaarah, sidoo kale Congress-ka Mareykanka ayaa amri doona baaritaan, iyadoo dowladda Mareykankuna ay magacaabi doonto guddi madax bannaan oo baara halka ay wax ka qaldameen.
 Xoor yar ayaa Dayaxgacmeedka garabkiisa bidix ku dhacay inyar ka dib markii uu dhulka ka kacay |
Madaxweyne George W Bush ayaa shicibka Mareykana u hor kacay baroordiiqdii loo sameeyey Cirbixiyeenadii ku dhintay Dayaxgacmeedka, taas oo dhacdey 17 sano ka dib markii uu qarxay Dayaxgacmeedkii la oran jirey Challenger.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|