|
|
 |
 Sabti, 25.01.2003 - 16:58 Wakhtiga London
 |
Powell:'Mareykanku Wakhti ayuu siinayaa Ciraaq' 
Mareykanku waxa uu diyaar u yahay in uu kaligii galo dagaalka Ciraaq haddii loo baahdo |
Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka, Colin Powell ayaa sheegay in maamulka Bush uu si "samir leh" ku qiimayn doono warbixinta ugu horaysa ee ee baarayaasha QM ay arinka Ciraaq ka soo bandhigi doonaan.
Mr Powell waxa uu hadlakaas ka jeedshay Swiss oo uu u joogo kulanka sanad laha ah ee looga hadlo dhqaalaha oo ka bilaabmi doona Davos, halkaas oo la filayo in uu taageero ugu raadsho tallaabo Militari oo Ciraaq lagu qaado.
 "Koleyba samir ayaan yeelan doonno waana aan qiimayn doonno warbixinta QM, islamarkaana waxa aan la tashan doonno saaxiibadeen iyo dowladaha aan isbahysiga nahay."
Colin Powell | Xubnaha Golaha Ammaanka iyo siyaasiinta Mareykankuba waxa ay dalbadeen in wakhti dheeraad ah la siiyo baarayaasha hubka.
Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanku waxa uu caddeeyey in maamulka Bush uusan ku degdegi doonin go'aan, marka madaxa hub baarayaasha QM Hans Blix uu warbixinta u soo gudbiyo Golaha Ammaanka maalinta Isniinta ah.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|