|
|
 |
 Khamiis, 23.01.2003 - 07:27 Wakhtiga London
 |
Galbeedka oo arinka Ciraaq ku kala fogaaday 
France iyo Germany oo diiday in xoog la isticmaalo |
Colin Powell ayaa shaki ka muujiyey ballangalka France iyo Germany ee ku xiriira sidii Ciraaq hubka looga dhigi lahaa, taasina waxa ay timid ka dib markii labadaas waddan ay ka soo horjeesteen dagaalka Ciraaq.
Iyadoo ay sii fogaanayaan khilaafaadkii la xiriiray sida Ciraaq loola tacaalayo haddii Ciraaq lagu qaado dagaal uu Mareykanku hogaaminayo, ayuu Xogahayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka, Colin Powell uu sheegay haddii dagaal dhaco in Mareykanku ay ceelasha saliidda ee Ciraaq u badbaadin doonaan shicibka Ciraaq.
 "Haddii aan annagu noqonno kuwa qabta ceelasha saliidda ee Ciraaq, waxa aan u hayn doonnaa shicibka reer Ciraaq." Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka, Colin Powell |
Wakhti kaas ka sii horeeyey, ayuu Madaxweynaha Mareykanka, George W Bush uu digniin ku baxshay in Jeneraalka reer Ciraaq ee hubka wax aadka u gumaada kula dagaalma askarta Mareynkanka ama ku isticmaala shicbka reer Ciraaq in la hor geyn doono maxkamadda dambiyadda dagaalka.
Dhinaca kale Jeneraalda sare ee Maraykanak ayaa sheegay in ay arkeen deganaasho la'aan durba ka dhex bilaabmatay qaar ka mid ah hogaanka Ciraaq.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|