|
|
 |
 Sabti, 11.01.2003 - 09:23 Wakhtiga London
 |
Maraykan: qaxooti deddeg isku diiwaan galinaya 
Mashruucan dad badan ayuu ka careysiiyey |
Kumannaan qaxooti ah oo jooga Maraykan ayaa ku orday xafiisyo loo abuuray in qaxootiga waddamada qaar ay iska diiwaan galshaan, si aanu uga dhicin wakhtigii loo qabtay.
Dadkaasi oo ah kuwa aan Maraykanka aan ku lahayn sharciga deganaashaha waxa ay iska diiwaan galinayaan Xafiiska Laanta Socdaalka, waxa is-diiwaan galintan la soo rogay iyadoo la raacayo sharci cusub oo looga soo horjeedo argagixisada oo la sameeyey qaraxii 11 September ka dib.
Maalintii Jimcaha ee bisha January ay ahayd 10ka ayaa ugu dambaysay wakhtigii loo qabtay ragga da'doodu gaarsiisan tahay 16 jir oo u badan wadamada Muslimka ah.
Waxa suurtagala ah in dadka isa soo diiiwaan galshay la xiro ama la dhoofiyo haddii ay galeen gafaf la xiriira dal-ku-galkooda ama ay dambiyo kale ka galeen Laanta Socdaalka ee Maraykanka.
Sharcigan muranka badan ka yimid oo wata dadaalo leh "Is-diiwaan galin gaarka ah" waxa dhaleecooyin badan ay kaga yimaaddeen ururo badan oo u hadla xuquuqda bulshada, waxana sharciga uu la kulmay loolan sharciyeed oo badan.
Khamiistii waxa la qaaday dacwo ay koox Muslimiin ah oogeen, ka dib markii la bilaabay diiwaan galintii koobaad ee lagu dhawaaqay qaxootiga. Waxa dacwada lagu codsanayey in la joojiyo diwaan galinta qaxootiga ee la soo rogay, laakiin garsoore jooga Maxakamadda Federaaliga ee Maraykanka ayaa gaashaanka ku dhuftay dacwadii ay soo qadimeen ururka Muslimiinta Maraykanka.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|