| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Jimce, 10.01.2003 - 10:11 Wakhtiga London
Farxiyo Cali Qaajo - Muqdisho Waxaa Khamiistii heshiis aan hore loo sii filaynin uu dhex maray duqeyda degmada Buur-Hakaba iyo masuuliyiin ka socotay magaalada Baydhabo. Heshiiskan oo muddo ku kooban labo maalmood laga shaqeynayey ayey labada dhinac subaxnimadii Khamiista isugu yimaadeen degmada Buur Hakaba dhexdeeda, iyadoo dhinaca masuuliyiinta Baydhabo ay hoggaaminayeen Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Aadan Sooransoor, kuwaasoo labo bas iyo ilaa afar baabuur oo kuwa dagaalka ah ku tegay magaalada Buur Hakaba. Sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee RRA-da, Adan Sooransoor, waxa uu heshiiskan ka dambeeyey wada hadal ay xagga nabadda uga wada hadlayeen labada dhinac sidii loo baajin lahaa dhiig dambe oo ay iska daadiyaan dadka reer Digil iyo Mirifle. Aadan Sooransoor oo ay BBC-du la xiriirtay waxa uu sheegay in haatan ay soo gebagabowday colaaddii ka oggnayd gobolkaasi, iyadoo qodobbada heshiiska lagu gaarayna ay ka mid yihiin in aanay dib dambe u dhicin cid-cid kale ku duusha, in dadka reer Buur Hakaba ay u madax bannaanaadaan maamulka degmadooda, iyadoo laga billaabo Maanyafuulka ilaa Qardho oo ah halka kala wareegga loo bixiyey ee tuulada Leego ku dhow ay ciidamada deegaanka Buur Hakaba maamuli doonaan. Heshiiskani waxa uu meesha ka saarayaa gacan ku hayntii Colonel Shaarguduud ee degmada Buur Hakaba iyo nawaaxigeeda, iyadoo aananna wax war ah oo ku saabsan heshiiskan laga haynin dhinaciisa. Intii aanu heshiiskani dhicin waxa uu dagaal kooban labada dhinac ku dhex maray tuulada Maanyafuulka oo ilaa 25km dhinaca Koofur ka xigta magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar nin ilaa saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka ku dhintay dagaalkaasi waxaa ku jiray Cali Yoonis oo ahaa ninkii hoggaaminayey maleeshiyadii dhinaca Shaarguduud ee lagu beddelay Cabdullaahi Yariisow oo isagu hore ugu dhintay fal burcadnimo ah oo ay wadeen maleeshiyooyin madax bannaan dabayaaqadii sannadkii hore. Heshiiskan Khamiistii ka dhacay degmada Buur Hakaba oo ay duqeyda saxiixday ee reer Buur Hakaba ay ka mid ahaayeen Ugaas Guudow Caliyow, Ugaas Ciise Amiin, Ugaas Maxamed Nuur Dibi, Maxamed Sheekh Xasan iyo kuwo kaleba waxa uu siyaasad ahaan dhabar jab weyn ku yahay dhinaca Colonel Shaarguud oo ay muuqato in awooddii uu gobolka ku lahaa ay si weyn u wiiqantay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |