| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Jimce, 27.12.2002 - 06:33 Wakhtiga London
Waddanka Kenya ayaa waxaa maanta loo baxay doorashooyin lagu dooranayo madaxweyne cusub oo beddelo Daniel Arap Moi oo ka talinayay waddankani muudo rubac qarni ah. Moi oo 78 jir ah ayaa dastuurka waddanka Kenya uusan u saamaxeynin in uu u tartamo madaxtinimada waxaana haatan jagadaasi si weyn ugu harddamaya musharaxa xisbiga Kanu ee Uhuru Kenyatta iyomusharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Narc Mr Mwai Kibaki.
Labadan musharax ayaa intii lagu jiray ololihii lagu kasbanayay codadka dadweynaha balanqaadayay in ay isbeddelo siyaasadeed ay ka sameyn doonaan waddanka oo ay aafeeyeen musuqmaasuq iyo dhaqaala xumo ba'an haddii ay xilka qabtaan . Goobaha laga dhiibto codadka waddanka oo idil ayaa la furay lixdii aroornimo iyadoo la filayo in cod dhiibshada ay socoto ilaa iyo 6 maqribnimo. Doorashooyinkan maanta ka dhacaya Kenya ayaa ah kuwa Madaweyne, Baarlamaan iyo dowladaha hooseba Aroornimadii saaka ayuu Madaweynaha Xilka ka degaya Daniel Arap Moi codkiisa ka dhiibtay aagga Kanduyi ee Gobolka uu u dhashay ee Rift Valley. Niyad wanaag Waxaan u rajeynayaa wanaag ciddii aan ku wareejiyo xilka , waxaan xilka oga degayaa si farxad leh ka dib markii aan dhameystay 10 kii sana ee datsuurka ku sakleysan habka axsaabta tirada badan uu ii ogolaaday, ayuu yiri ka dib markii uu waraaqdii uu ku codeynayay uu ku riday sanduuuqa codadka. Musharaxa xisbiga Kanu Uhuru Kenyatta ayaa isagu codkiisa ka dhiibtay Koonfurta aagga Gatundu oo ah saldhigga Kursiga Baarlamaanka ee uu u tartamaya oo haddii uu ku guul dareesto uu waayayaa madaxweynenimada. Mwai Kibaki ayaa isagu codkiisa ka dhiibtay aagga Othaya ee Degmada Nyeri ee Gobolka Bartamaha oo ah kursiga Baarlamaanka uu ka soo galayay 33-kii sanee ugu dambeeyay. Ma jiraan wax rabshada ah oo ilaa iyo haatan dhacay waxaana la sheegayaa in dadku ay codadkooda si nabddoon u dhiibanayaan. Natiijooyinka rasmiga ah ee doorashooyinkan ayaan la fileynin in ay soo baxaan inta ka horeyso Axadda ama Isniinta balse natiijooyin aan rasmi ahayn ayaa la filayaa in la helo aroornimada Sabtida ka dib markii natiijooyinka goobaha qaar ay soo gaaraan xarunta guddiga doorashooyinka Kenya ee Magaalada Nairobi. Si gedisan sidii hore u dhici jirtay ayaa codadka doorashooyinkan la dhiibto waxaa lagu tirin doonaa goobaha codadka laga dhiibto iyadoo tani ay qeyb ka tahay sharciyo uu ansixiyay baarlaamaankii ugudambeeyay oo lagu doonayo in lagu xakameeyo ku shubashada doorashooyinka oo sida la sheego ah arin hore oga dhici jirtay waddanka Kenya. |
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |