BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 16.12.2002 - 14:55 Wakhtiga London
Dad ku dhintey xabiska Boosaaso

Rasaas ka dhacday xabsiga magaalada Boosaaso ayey dad ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen gelinkii hore ee Axadda, kaddib markii ciidamada booliska ee ilaalada xabsiyada ay rasaas fureen.  Rasaastan oo magaalada Boosaaso oo dhan laga maqlay ayaa waxaa inoo faah-faahinaya weriyeheenna Muqdisho, Xasan Barise.

Rasaastaasi ay fureen ciidanka asluubta ee ilaalada xabsiyada maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ku dhintay saddex ka mid ah maxaabiistii xabsiga magaalada Boosaaso, iyadoo ay shan kalena ku dhaawacmeen.

 Sida ay sheegayaan wararka madax bannaan, waxaa saddexdan nin ee dhimatay ka mid ahaa wiil yar oo xabsiga ay waalidiintiisu u geeyeen dhaqancelin, halka labada kalena ay ka mid ahaayeen raggii sida caadiga ah loo soo xir-xiray.

Sababta rasaaseyntan keentay ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray iyadoo dhimashada maxaabiistuna ay waxoogaa xiisad ah ka dhalisay magaalada Boosaaso maalintii shalay ilaa iyo maanta. 

Sida uu sheegay Cabdirisaaq Cismaan Cali oo loo yaqaanno Aayatullaahi oo reer Boosaaso ah waxay rasaaseyntu billaabatay kaddib markii ay qaar ka mid ah maxaabiistu ka gadoodeen waxa uu ugu yeeray musuq-maasuq ay sameeyeen maamulka xabsiga.

Cabdirisaaq Aayatullaah waxa uu intaasi ku daray in waayadanba ay socotay in laaluush ay maxaabiista ka qaadanayeen ilaalada iyo maamulka xabsiga oo sidaasina halkaasi looga sii daayey ilaa siddeed maxbuus dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, taasina ay keentay in maxaabiistii kale ay gadoodaan iskuna dayaan in xoog meesha uga baxsadaan, waxaana dabadeed rasaas ku furay maxaabiistaasi ilaaladii xabsiga oo isku dayeysa in xakamayaan kacdoonkaasi.

Qaar ka mid ah maxaabiista ayaa la sheegay in ay adeegsanayeen weelashii raashinka loogu geeyey si ay ula dagaallamaan askarta.

Ilo kale ayaa iyagana sheegaya in ay rasaaseyntu billaabeen ciidamada ilaalada xabsiga kaddib markii la ogaaday in qaar ka mid ah maxaabiistu ay jebinayeen gidaar ka mid ah gidaarrada xeyndaabka u ah xabsiga si ay u baxsadaan, taasina ay keentay in ilaalada xabsigu ay rasaas ku furaan si u joojiyaan maxaabiistaasi maxsan lahayd.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay dadka inta badani ku eedeeyeen ciidanka ilaalada xabsiga in ay adeegsadeen xoog ka badan intii loo baahnaa iyadoo wararkuna ay isugu soo urureen in maxaabiistaasi la laayey ay isku dayayeen in ay baxsadaan.

Ilaa iyo hadda wax war ah lagama hayo dhinaca maamulka iyo booliska Boosaaso, iyagoo ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhacdadan mar ay BBC-du xiriir la sameysay. 

Masuuliyiin ka soo jeedda Puntland oo ka tirsan xildhibaannada dowladda KMG ah oo uuna ka mid yahay Abuubakar Maxamed Cali ayaa ugu baaqay masuuliyiinta iyo duqeyda reer Boosaaso iyo guud ahaan Puntland in laga foojignaado colaad sokeeye. 

Dadka reer Boosaaso gaar ahaan ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ka deyriyey xaaladda nololeed ee xabsiga Boosaaso halkaasoo ay ku xiran rag badan oo ka mid ah ciidamadii Jaamac Cali Jaamac ee lagu qabtay dagaalkii Kala Dhaca iyo weliba siyaasiyiin uu ka mid yahay Maxamed Xaaji Aadan.

Qaar badan oo maxaabiistaasi ka mid ahna waxay dhowaan maxkamad lagu sheegay mid milatari ku xukuntay midkiiba saddex sano oo xarig ah.

Isla maxkmaddaasi waxay sii daysay duqii magaalada Boosaaso iyo guddoomioye ku xigeenkii gobolka Bari oo ka mid ahaa rag loo xir-xiray lacago been abuur ahaa oo Puntland si sharci darro ah lagu geeyey.

Wararkii ugu dambeeyey ee lacagtaasi been abuurka ah ku saabsan ayaa sheegaya in markii hore lagu hayey Hadaaftimo haatanse loo soo raray magaalada Boosaaso oo la dhigay bangiga maamula dowladda, iyadoo soo sii deynta masuuliyiintii loo xir-xiray lacagtaasina ay ka dambeeyeen duqey kala dhex gashay maamulka iyo ganacsatadii keentay lacagta arrintana si hoose loo gebagebeeyey.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.