| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 09.12.2002 - 11:56 Wakhtiga London
Shaadiya M. Rooble - Hargaysa Ka dib dagaalkii ka dhacay Sabtidii Laascaanood, markii uu booqday madaxwaynaha Soomaaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayey ayeey ka tageen Laascaanood. Warrsaxaafadeed Axaddii ka ka soo baxay madaxtooyada ayaa sheegay in madaxwayne Rayaale iyo wafdigiisii ay habeenkii Sabtida u hoydeen Caynaba. Warsaxaafadeedkanina waxaa uu soo xiganayaa hadal uu Aaxaddii ka jeediyey Rayaale degmada Caynaba oo uu kaga hadlayey arintii Sabtidii Laascaanood ka dhacday . Waxa uu sheegay in Laascaanood ay ka mid tahay Soomaaliland ayna ku tageen niyad wanaag isla markaasina si fiican loogu soo dhaweeyey, hase ahaatee waxaa uu ku tilmaamay in ay dhacday nasiib daro oo Garoowe lagaga soo duulay. Madaxwayne Rayaale waxaa uu intaasi ku daray in uu ilaalinayey oo uu amar ku bixiyey in aan dadka maatada ah iyo shicibka dhibaato gaarin oo taasuna ay tahay sababta uu uga soo laabtay Laascaanood, hase ahaatee waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay xuduudaheeda xiran doonto arinkaana ay ka wada tashan doonaan marka uu Hargaysa ku soo laabto . Warsaxaafadeedkan madaxtooyadu waxaa kale oo uu sheegay in madaxwayne Rayaale uu ka hadlay oo kale arimaha doorashooyinka, waxaa uu sheegay in isaga ay ka go'an tahay in ay doorashooyin dhacaan oo haddii la doortana uu dadkiisa u shaqayn doono, haddii uu doorashada ku guulaysanwaayana aanay taasu caro galinayey, hase ahaatee uu hore u diiday in mudada xilka loo kordhiyo, oo aanu taasi qabin. Sida warsaxaafadeedku sheegayna madaxwaynaha iyo wafdigiisu waxa ay sii wadan doonaan booqashadii hawleed ee ay ku marayeen gobolada bariga. Sidoo kalena gudoomiyaha golaha wakiilada Axme Maxamed Qaybe, ururda siyaasada ee Asad, Ucid Hormood iyo Kulmiye ayaa canbaareeyay maamul goboleedka Puntland oo ay ku eedeeyeen in ay Soomaalila-land ku soo qaadeen weerar gardaro ah, waxayna ku tilmaameen talaabo cadawtinimo leh. Marka hadaba la fiiriyo arintii Sabtidii ka dhacday Laascaanood waxa ay noqotay mid ay aad uga xumaadeen dadka halkan ku dhaqani sida ay ii sheegeen dad baan oo aan amuurta kala sheekaystay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |