BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Sabti, 07.12.2002 - 11:46 Wakhtiga London
Deeq-bixiyayaasha oo ka caga jiidaya Ethiopia
Roobabkii ayaa yaraad, sidaas darteed Ethiopia kaalmo ayeey u baahan tahay haatan
Roobabkii ayaa yaraad, sidaas darteed Ethiopia kaalmo ayeey u baahan tahay haatan

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa digniin ku baxshay in adduunka ay haatan la gudboon tahay in ay wax ka qabtaan mashaakilka cunta la'aaneed ee Ethiopia ay u keeneen abaaruhu.

Agaasimaha Sare ee hey'adda Unicef, Carol Bellamy oo haatan ka soo noqotay meelaha ay abaartu sida xun ugu dhifatay ayaa ka digtay khatarta ay leedahay caga jiidka ay deeq-bixiyayaashu ka caga jiidayaan in mashaakilka Ethiopia ay degdeg uga jawaab celshaan. Waxa ay Bellamy tiri waxa waajib ah in adduunku aanu sugin in dadka reer Ethiopia ay gaajo u dhintaan.

Maalinta Sabtida ah ayuu Rasiisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi uu adduunka weydiisan doonaa cunta gargaar ah oo gaaraysa 1.4 malyuun oo tan oo ay u baahn yihiin 11 malyuun oo qof oo kaliya.

Waxa uu Meles uu u sheegay BBC-da in durba Bangiga Adduunku u ballan qaaday kaalma gaaraysa 100 malyuun oo doolar, laakiin taas la isticmaali doono oo kaliya haddii deeq-bixiyayaashu ay codsigan cusub ay ka soo jawaabi waayaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay Ethiopia ay hayaan cunta ku simaysa ilaa horaanta sanadka cusub, laakiin loo baahan yahay wixii dadku quudan lahaa inta ka hartay sanadka 2003da.

Baahida

Wariyaha BBC-da Martin Plaut oo ku dhex safray Ethiopia ayaa sheegay in Ms Bellamy ay si weyn uga damqatay waxyaabihii ay ku aragtay Woqooyi Bari Ethiopia markii dhawaanta ay soo aragtay.

Ms Bellamy waxa ay sheegtay in dhulkaasi abaari xaalufisay xoolihiina ay dhimanayaan mirihiina ay qalaleen.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.