BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 19.11.2002 - 05:37 Wakhtiga London
Doorashooyinka Kenya oo si rasmiya u bilaabmay
Uhuru Kenyatta waa ninka uu Madaxweyne Daniel arap Moi uu soo xushay
Uhuru Kenyatta waa ninka uu Madaxweyne Daniel arap Moi uu soo xushay

Labada nin ee u sharaxan madaxweyninimada waddanka Kenya ayaa Isniintii ka hadlay kulammo kala duwan oo Nairobi ka dhacay, ka dib markii ay gudbiyeen waraaqdihii ay doorashada uga qeybgalayeen.

Madaxweyne Daniel arap Moi oo dastuurka cusub u ogolayn in uu madaxweyninimo u tartamo ayaa musharaxa xisbiga KANU ee waddanka taladiisa haya u raacay xafiiska guddiga doorashada qabanqaabinaya, ka hor intii aysan bannaanbax ay isugu yimaaddeen boqolaal taageerayaashooda ah ugu tagin fagaaraha beerta xoriyadda ee Nairobi.

Sidoo kale musharax muhiimka ah ee mucaaradka, Mwai Kibaki ayaa isaguna guddiga doorashada u gudbiyey waraaqihii uu uga qeybgalayey doorashada, ka dibna uu u gudbay garoonka Nyayo Stadium oo ay ku sugayeen boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa, si uu u bilaabo ololaha doorashada.

Dadka reer Kenya waxa ay goobaha doorashada u dareeri doonaa maalinta 27-ka December si ay u soo doortaan, madaxweyne, xubnaha baarlamanka iyo hawlwadeenno kale.

Meelo La xira

Iyadoo Isniiniintii laga cabsi qabay in taageerayaasha labada dhinac ay isku dhacaan ayaa goobo ganacsi oo badan oo ku yaalla xudunta Nairobi la xiray.

Laga bilaabo waabarigii maalintii Isniinta, waxa magaalda qarqiyey kumannaan kala taageerayey labada musharax oo waddooyinka magaalada isku fidiyey.

Dadkaasi waxa ay gashanaayeen funaanado ay ku kal sawiranyihiin labada musharax iyo koofiyado, waxayna ku heesayeen hal-qabsiyo ay ku muujinayaan taageerada ay qolo kasta u hayso musharaxooda isla markaana waxa ay lulayeen calamo.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.