| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 12.11.2002 - 06:14 Wakhtiga London
Baaralamanka Iraq ayaa si buuxda ugu codeeyey in la diido qaraarkii Qaramada Midoobay ee codsanayey in hub baarayaashu ku laabtaan Iraq, laakiin go'aanka u dambeeya waxa ay u daayeen Saddam Hussein. Codeynta looga soo horjeestay qaraarka Qaramada Midoobay waxa uu yimid, iyadoo uu wiilka Saddam Hussein, Uday uu dadaal u galay in "Haa" lagu codeeyo oo Talaadadiiu sheegay saraakiil sare in waddanku uusan ikhtiyaar kale lahayn oo an ka ahyn in uu ogolaado. Si kastaba ha ahaatee, baaralamanka oo aan awood dhab ah lahayn ayaa sheegay in ay qaaddan doonaan go'aan kasta oo madaxweynuhu uu gaaro. Saddam Hussein waxa uu haystaa ilaa Jimcaha in uu go'aan ka gaaro qaraarkan oo codsanaya in Iraq ay hub baarayaasha si buuxda ugu furto goob kasta oo lagu tuhunsanyahay in hub lagu qarshay. Intii aysan baaralamanka Iraq codbixinta samaynin ka hor ayaa France ay digniin kulul ku bixisay in cawaaqib xun ay Iraq la kulmayso haddii aysan ogolaan in hub baarayaasha Qaramada Midoobay ku laabtaan waddankeeda. Wareysi uu siiyey Raadiye ku yaal Paris ayuu Wasiirka Arimaha Dibadda ee France, Dominique de Villepin ku sheegay haddii uusan Saddam Hussein u hogaansami waayo dalabaadka laga doonayo waxa iska cad in xoog la isticmaali doono. Isniintii ayaa baaralamanka Iraq uu dhaleeceeyey qaraarka Qaramada Midoobay, guddiga baaralamanka u qaabilsan xiriirka dibadda ayaa isaguna tala ku baxshay in qaraarka lagu gacan sayro. Kor joogayaasha intooda badan waxa ay rumaysanyihiin in hogaamiyaha Iraq waxa kaliya ee u furan ay tahay in uu u hogaansanaado qaraarka Golaha Ammaanka, iyadoo uu Maraykankuna uu sii wado caddaadiska ay Iraq kaga doonayaan in ay hubkeeda ku burburiso. Saraakiil muhiim ah oo ka tirsan baaralamanka ayaa intii aan loo codeynin Isniintii ku baaqay in hogaanka Iraq ay diidaan qaraarka Golaha Ammaanka. Afhayeenka baarlamanka Iraq, Saadun Hammadi, oo furay shirkaas gaarka ah ee xubnaha baaralamanka ayaa isaguna qaraarka cusub ee Qaramada Midoobay ku sheegay in uu yahay mid aan la qaadan karin oo meel ka dhac ku ah qaranimada Iraq. Madaxa guddiga xiriirka dibadda ee Iraq, Salim al-Koubaisi ayaa hadal uu isna kaga soo horjeedo qaraarka Qaramada Midoobay ku "tala baxshay...in gaashaanka lagu dhufto qaraarka Golaha Ammaanka ee tiradiisu tahay 1441". |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |