BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 12.11.2002 - 14:12 Wakhtiga London
Caqabad ku timid shirka Eldoret
Qaar ka mid ah ergada shirka
Qaar ka mid ah ergada shirka

Maxamed Caddow- Nairobi

Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Eldoret ee waddanka kenya ayaa soo food saaray caqabado ka dib markii uu murun weyn ka dhashay dadaal lagu dhimayay wufuudda ka qeyb qaadanaysay shirka iyo qeybinta kooxaha loo qeybinayay wufuudda shirka oga qeyb geli lahayd.

Arintani awgeed ayaa shirka oo la filayay in Talaadada uu u gudbo wejiga labaad ee shirka aan Talaadadii wax hawl ah ka qabsoomin iyadoo cid walba ay sugeyso in khilaafkani la xaliyo.

Dhowr hoggaamiye kooxeed ayaa si weyn oga biya diiday qeybta uu guddiga qabanqaabada u soo qoonddeeyay iyaga iyo kooxahooda.

Hogaamiyeyaasha ay ka midka yihiin Cosmaan Xasan Cali Caato, Maxamed Qanyare Afrax, Bare Aadan Shire Bare Hiiraale ee Ibhaysiga Dooxada Jubba, Jamac Cali Jaamac, Col Axmed Cumar Jees iyo Cumar Finish ayaa ku eedeeyay guddiga qabanqaabada in uusan si xaq ah ugu qeybinin kooxaha shirka isugu yimid wufuudda shirka oga qeyb geli lahayd.

Waxaana ay sheegeen in aysan ka qeyb galeynin shirka ilaa iyo inta laga shaafinaya waxa ay tabanayaan. Hoggaamiyeyaashan ayaa sheegaya in hab beeleed ay tahay sida kiliya ee si xaq ah wufuudda shirka lagu qeybin karayo.

Hoggaamiyaha garab ka mid ah garabyada Ururka RRA Sheikh Aadan Madobe ayaa isaguna la sheegayaa in uu ka doodayo mudnaanta la siiyay Col. Xasan Maxamed Noor Shaatiguduud oo isagu tira la eg tiisa la siiyay waxaana uu ku anddacoonayaa in Shaatiguduud aysan jirin dhul uu ka taliyo oo markaasi uusan u qalmin tiro wufuud ah oo oga qeyb gasho shirka.

Guddiga Qabanqaabada shirka ayaa goostay in uu isaga goaan ka gaaro oo kooxaha isugu yimid Eldoret iyo xubnaha Bulshada rayidka ah u qeybiyo wufudda ka dib markii shirar ay arintani ka yeesheem madaxda kooxaha dhowr maalmood toddobaadkii hore ay ku dhamaadeen natijo la'aan.

Hase ahaatee tiradii ay ku soo reebeen wufuuda shirka oo kor u dhaafayso 1000 qof oo ah 362 qof ayaa noqotay mid aan cid walba u cuntamin.

Maantana waxaa mudaaharaad ku sameeyay banaanka hoteelka Sirikwa ee uiu shirka ka socda dad iyagu sheegay in ay yihiindad u dhashay Gobolada Waqooyi ee Waddanka Soomaaliya oo doonayo in iyagana qeybtooda la siiyo oo aan laga horistaagin in ay shirka ka qeyb qaataan.

Dadkaasi mudaaharaadayay ayaa waxaa ka mid ahaa xubno hore oga tirsanaa wufuudda DKMG ah iyo qaar ka yimid dibadaha.

haddaba waxaa isweydiin leh waxa arinta ku saabsan dhimidda tirada wufuudda oo taagnayd tan iyo maalintii uu shirka furmay oo madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi xitaa uu ka hadlay isaga oo sheegaya in Soomaalida aysan ka welwelin tirada koox walba ka joogto shirka maaddaama aysan u imaan in ay codeeyaan ay weli marayso halkeedii.

Arintani ayaa dadka shika arimahiisa ku howlan ku tilmaamay mid ka mid ah ciladaha loo tirin karo dowladda Kenya ee shirka martigelisay iyo weliba qas iyo lab ay ka wadaan shirka quwada shisheeye oo sida la sheegaya kala wareegay Kenya kaalintii hormuudnimada.

Iyada oo ay arimahani haatan ka socdaan shirka ayaa weli rajada wufuudda joogta shirka ay weli saraysaa, waxaana ay kuu muujinayaan sida ay ugu raja weynyihiin in arimahani la isku khilaafsanyahay dhawaan laga gudbo oo loo guda galo arimaha xasaasiga ah ee looga wada hadli doono wejiga labaad ee shirka eldoret.

Dhinaca kalena wufuudda shirka Eldoret ayaa maanta soo saaray codsi ay beesha caalamka oga codsanayaan in xayiraadda laga qaado hantida shirkadda Al-Barakaat iyo weliba xayiraadda saaran xoolaha nool ee waddanka Soomaaliya dibadaha looga dhoofin jiray.

Codsigan oo ay ku saxiixanyihiin inta badan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, kuwa dhaqanka iyo kuwa bulshada ee ku sugan shirka intaan ka ahayn Hoggaamiyaha Puntland Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ee Maamulka Jowhar ayaa lagu sheegay in talaaba tan la mid ah oo la qaado ay wax tar weyn ka geysanayso dib u soo kobcinta dhaqaalaha liita ee Soomaaliya.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.