| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 09.11.2002 - 09:00 Wakhtiga London
Maxamed Caddow - Nairobi Hay'adda xuquuqda aadahana u doodda ee Amnesty International ayaa baaq u jeedisay wufuudda kooxaha kala duwan ee ku shiraya Eldoret kaga codsatay in ay dhowraan xuquuqda aadanaha. Baaqa Amnesty International ayaa waxaa uu ku qoranyahay warqad ay u qortay wufuudda shirka oo ay cinwaan oga dhigtay ma jiri doonto nabad waarta ilaa iyo inta laga qaddarinayo xuquuqda aadanaha. Waxaa ay hay'addu sheegtay in natiijooyinka wadahadalada Eldoret aysan noqoneynin kuwa wax ku ool ah ilaa iyo inta la beegsanayo sinaan iyo caddaalad lagu maamulo dhammaan dadweynaha ku nool Soomaaliya. Waxaa kaloo ay xustay in qof walba oo Soomaaliya ku nool uu maanta garan karayo faaiidada dhowridda xuquuqda aadanaha, maaddaama uu qof walba la kulmay xadgudub lagu sameeyay isaga ama xubin ka mid ah qoyskiisa. Waxaa Amnesty International ay caddeysay in dad badan oo Soomaali ah ay ka barakaceen guryahoodii oo ay qaxooti ahaan ugu nool yihiin waddama badan oo ka tirsan caalamka, in inta badan dadka ku nool Soomaaliya maanta aysan haysanin waxbarasho iyo daryeel caafimaad islamarkaana inta ka faa'iddeysanayso mooyaanee ay bulshada ka daashay colaadda oo ay u baahantahay nabad. Waxaa ay sheegtay in falalka ah rabshado, takoor ku saleysan hayb iyo beel , taakooridda haweenka iyo dadka taagta yar iyo kuwa laga tirada badanyahay ay aad ugu badanyihiin magaalada Muqdisho . Waxaa ay Amnesty International si gaar ah farta ugu fiiqday dilalka, kufsiga iyo qafaalashada xitaa caruurta loo geysto kuwaa oo ay ka dambeeyaan maleeshiyaadka faction-ada ka jira waddanka. Waxaa ay hayaddu in ay Saraakiisha hayadaha gargaarka ee caalamiga ah la dilay qaar kalena la qafaashay, deeqihii ay sideenna laga boobay. Waxaa ay Amnesty sheegtay in ay kala xisaabtamayso hoggaamiye kooxeed walba dhowridda xuquuqda ay leeyihiin dadka ku nool aagga uu ka taliyo iyo in ay waajib ku tahay in uu badbaadiyaan kooxaha u doodo xuquuqda aadanaha oo ay sheegtay in ay khatar ku suganyihiin. Hay'addu waxaa ay ugu baaqday kooxaha ku shiraya Eldoret in ay qaddariyaan heshiiska dhigaya xabad joojinta ee ay dhawaan saxiixdeen si looga guuro xiliga taariikhda madow ee waddanka Soomaaliya oo loogu guuro xili cusub oo lagu tixgelinaya dhamaan xuquuqda ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed. Amnesty International ayaa sheegtay in arinta ku saabsan waxa laga yeelayo ku takrifalka xuquuqda aadanaha ee hore loo geystay ay tahay arin ay adagtahay in go'aan laga gaaro balse ay tahay arin u taala wufuudda ku shiraya Eldoret. Waxaa ay xustay in falal badan oo ka dhan ah xuquuqda insanka la sameeyay xiligii uu ka jiray waddanka taliskii madaxweyne Maxamed Siyad Bare, sanadihii ka dambeeyay burburkii taliskaasina ay waddanku ka dhaceen waxyaabo aan hore looga arag caalamka intiisa kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Amnesty International ayaa sheegtay in aysan aqbaleynin in dadka ka dambeeyay dembiyadani lagu soo daro dowlad cusub oo ka dhalato Eldoret oo la filayo in ay noqoto mid isku hawsho dib u soo celinta sharci iyo kala dambeyn iyo ilaalinta xuquuqda insaanka. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |