|
|
 |
 Arbaca, 06.11.2002 - 17:55 Wakhtiga London
 |
Roobab ka da'ay Gobolka Gedo
|
Xasan Barise - Muqdisho
Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in roobabkii xilligan ay si wanaagsan uga da’een guud ahaan gobolkaasi, gaar ahaanna ay dhibaatooyin ka geysteen roobabkaasi degmada Luuq iyo tuulooyinka u dhow.
Sida uu BBC-da u sheegay Ibraahim Maxamed Nuur Darboweyne oo jooga magaalada Luuq kana tirsan duqeyda degmada, waxa uu roobkaasi da’ayey muddo 72 saacadood oo xiriir ah isagoo geystay dhibaatooyin baaxad leh oo naf iyo maalba leh.
Sida uu ku warramay Ibraahim Darboweyne, waxa ay roobabkaasi galaafteen nolosha dad gaaraya shan qof kuwaasoo ay ku jireen hal canug, iyo gabar halka saddexda kalena ay ahaayeen rag, waxana ay dadkaasi dhammaantood dhinteen kaddib markii daadad ka dhashay biyaha roobabkaasi iyo webiga kuwo ka soo fatahay ay is-biirsadeen ay la tageen dadkaasi. Waxaa sidoo kale biyahaasi ay dumiyeen labo kaabadood oo ku yaallay waddada laamiga ah ee dhinaca Muqdisho loo soo aado ee magaalada Luuq.
Sida uu weriyeheenna Xasan Barise u sheegay Ibraahim Darboweyne oo khadka fooneeyaha Luuq uu kula xiriiray waxaa sidoo kale ay biyaha roobabkaasi dumiyeen in ka badan 37 guri oo carshaan iyo muddullo u badan, kuwaasoo 20 ka mid ah ay ku yaallaan magaalada Luuq dhexdeeda, halka inta kalena ay ku yaallan tuulooyinka ku dhow-dhow. Roobabkaasi waxaa sidoo kale ay laayeen ari fara badan gaar ahaan tuulooyinka Dogob, Haruur Tuur, Carro-Case iyo kuwo kale.
Maxamed Xaashi oo jooga magaalada Baardheere ayaa isagana u sheegay weriyeheenna in roobabku ay guud ahaan gobolka aad u wanaagsanyihiin, inkastoo dhismeyaasha oo liita iyo webiga oo soo buuxsamay ay keeneen cabsi badan oo la xiriirta in ay fatahaad weyn ay dhici karto.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|