| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 05.11.2002 - 17:31 Wakhtiga London
Xasan Barise, BBC. Muqdisho Lix qof ayaa dhimatay mid kalena wuu dhaawacmay kaddib markii dabley ay weerar ku qaadeen baabuur yar oo ah nooca 'Cresida' agagaarka daarta Zooppe ee KM-5 ee Muqdisho gelinkii hore ee Taladada. Sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ka ahaa halka uu weerarkaasi ka dhacday, dadka la laayey oo labo ka mid ah ay ahaayeen haween ayaa la socday baabuurkaasi cad oo 'Cresida-da' ah oo markaasina ka yimid dhinaca xaafadda Medina kuna jeeday dhinaca Lambar Afar. Goobjoogeyaashu waxay intaasi ku dareen in baabuurkan yar ay weerar ku qaadeen dhallinyaro hubaysan oo ka koobnayd shan ruux isla markaana watay baabuur nooca loo yaqaanno caasiyada ah amaba mini-bus qofba sida uu u yaqaanno, kaasoo ku sugayey baabuurka yar goobta uu weerarku ka dhacay ee ku dhow daarta Zooppe. Xabbaddu waxay ku billaabatay baabuurka yar wax yar ka hor intii aanu soo gaarin meeshaasi, goortaas oo uu ka booday baabuurka mid ka mid ah raggii la socday oo ay isagana rasaastu ka haleeshay hal gacan oo dhaawacmay laakiinse baxsaday. Lama yaqaanno sababta keentay weerarkan, balse waxay dadku ku tilmaameen in uu ahaa weerar naxdin leh isla markaana xasuuq ah, iyadoo ay muuqatay in labada dhinac, kuwa la dilay iyo kuwa wax dilay ay is-garanayeen, waxaana taasi ay dadka goobjoogeyaasha ahi ay u cuskadeen in aanan haba yaraatee la qaadan oo aan macnaha la dhicin baabuurkaasi la weeraray isla markaana aanan xitaa waxba laga qaadan wixii ay wateen dadkaasi oo afar nin iyo labo haweena ahaa. Nin goobjeege ah oo ka mid ahaa dadkii ku soo xoomay baabuurkii dadkaasi la laayey ayaa sheegay in uu arkay in dadka qaar ay durbadiida baarasho ku billaabeen dadkii la laayey oo ay bastoolado ka qaateen iyo weliba dahab ay xirnaayeen haweenkaasi iyagana la laayey. Waxoogaa kaddib, ayaa waxaa goobtaasi yimid booliska dowladda KMG ah, kuwaasoo iyagana billaabay baaritaan la xiriira wixii dhacay, waxaana muddo yar kaddib halkaasi yimid baabuur kale oo daadgureeyey dadkii la laayey. Xaaladda magaalada Muqdisho ayaanan hagaagsanayn xagga ammaanka ilaa beriyihii la soo dhaafay iyadoo dadkuna ay walaac weyn ka muujinayaan dhibaatooyinka soo kordhaya. Waxaa magaalada ka jiray beriyihii la soo dhaafay afduub iyo dhac loo geysanayey gaar ahaan baabuurta gaadiidka dadweynaha, mana jirto ilaa iyo hadda cid si rasmi ah isugu taagta wax ka qabashada dhibaatadan xagga nabadgelyo ee ku baahday caasimadda dalka. Waxaa kaloo aanan iyana la aqoonin waxa gaar ahaan xilligan soo kiciyey maleeshiyooyinkan dhibaatooyinkan geysanaya, iyadoo la rumaysan yahay in aanay wax siyaasad ah xiriir la lahayn, balse loo aaneynayo dhaqaale darro guud oo dalka ka jirta. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |