| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 21.10.2002 - 11:40 Wakhtiga London
Maxamed Caddow - Nairobi Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee magaalada Eldoret ee waddanka Kenya ka socda ayaa lagu soo waramayaa in uu si habsami ah u socda iyadoo wufuudda halkaasi isugu timid ay haatan ka wada xaajoonayaa baaq cusub oo laga doonayo in ay saxiixaan. Saxiixidda baaqani oo laga doonayo dhammaan kooxaha isugu yimid shirka ayaa waxaa ay waddada u xaaraysaa in shirka uu u gudba kawada xaajoodka arimaha xasaasiga ah ee ku saabsan khilaafaadka soomaaliya. Ergada isugu timid shirka ayaa haatan la siiyay ilaa gelinka dambe maanta in ay ka wada xaajoodaan qodobada baaqani iyadoo berina ay ka wada doodi doonaan qalinkana lagu duugi dooni maalinta Arbacada ah toddobaadkan. Qodobada baaqani ayaa waxaa ugu horeeyaa in xukun dowladeed oo loo dhanyahay, isu wadakeento ayna ogolaadaan dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya loo dhiso waddanka. In la sameeyo dastuur lagu wada heshiiyay oo qeexaya qaab dhismeedka siyaasadeed, awoodaha iyo howlaha hayadaha dowladda ee kala duwan. Balaarinta xukunka Waxaa kaloo ku xusan baaqani in la xaqiijiyo, xuquuqda badbaadinta iyo xaqa uu leeyahay shaqsi iyo koox walba ee ku nool waddanka Soomaaliya. Waxaa baaqu uu soo jeedinayaa in la balaariyo xukunka waddanka Soomaaliya oo la dhiso hab dowladeed oo ku saleysan xukun goboleed. Baaqan oo ay soo diyaariyeen dowladaha uu Ururka Igad u xilsaaray xal u raadinta khilaafka Soomaaliya ayaa ku baaqaya si gaar ah la isugu xilsaaro fulinta arintani iyo si daacadnima ah loo wada gorgortamo si gaar ahna looga wada doodo arimaha inta lagu jiro weji walba oo ka mid ah shirweynahani. Baaqa waxaa kaloo uu ku talinayaa in laga reebtoonaada wax colaad ah oo dambe laga bilaabo 16-ka October sanadkan 2002-da iyo in nabadda la dhowro inta uu socda shirka iyo wixii ka dambeeyaba. Cunaqabateynta hubka Waxaa kaloo uu ka talinayaa in wixii khilaaf ah oo ka dhexeeya kooxaha ishaysto lagu dhammeeyo wadahadal siyaasadeed, iyo in kooxaha siyaasadda iyo kuwa militariba ay awooddooda u isticmaalaan isdifaac oo kiliya. Baaqani ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in la fuliyo qaraarkii qaramada midoobay ee namabarkiisu yahay 733 ee la soo saaray 1992 ee xayiraad dhinaca hubka ah ku soo rogayay waddanka Soomaaliya. Waxaa uu ku baaqayaa in Soomaaliyaa lagu martiqaado ilaliyayaal caalami ah oo saldhig ka dhigto gudaha waddanka si ay u xaqiijiyaan fulinta cunaqabateynta .hubka ee saaran Soomaaliya iyo in ilaaliyayaashani loo ogolaado in ay si shuruud la'aan ah ku tegaan goob walba oo ka tirsan waddanka. Shir-guddoon Soomaaliyeed Waxaa kaloo laga filayaa in ergada shirka isugu timid ay u codeeyaan in ay xaqiijiyaan in gargaarka baniaadminimo si nabad ah loogu gudbiyo hadba goobtii looga baahanyahay waddanka. Waxaa kaloo ka mid ah qodobada muhiimka ah ee baaqan in la aqbalo laguna dhaqmo wixii ka soo baxo shirka iyo in lagu hergeliyo siniyad sami ah iyo waqti munaasan ah gudahiis dhammaan qaraarada ka soo baxa shirka. La dagaalanka argagaxisada iyo ka hortagga in Soomaaliya ay hoyi u noqoto shabakadaha argagixisada iyadoo lala kaashanaya beesha caalamka ayaa ka mid ah qodobada ugu waaweyn baaqani. Baaqani ayaa waxaa kaloo uu xambaarsanyahay codsi ah in loo ogolaado Urur Goboleedka Igad, Midowga Africa iyo beesha caalamka in ay abaabulaan, islamarkaana ilaaliyaan hergelinta iyo meelmarinta dhammaan wixii go'aan ah ee ka soo baxo shirweynaha Qaran ee Soomaaliya. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |