BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Jimce, 11.10.2002 - 13:58 Wakhtiga London
Dowladda oo ka qaybgalaysa shirka Eldoret
Madaxwayne Cabdiqaasim Salaad Xassan
Madaxwayne Cabdiqaasim Salaad Xassan

Dowladda Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay shirka kooxaha Soomaalida loogu qabanayo magaalada Eldoret ee dalka Kenya, dhowr maalmood uun kadib markii ay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho ku dhawaaqeen in ay qaadacayaan shirkaasi.

Ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah, Xasan Abshir Faarax, ayaa ku dhawaaqay in ay dowladdiisu si buuxda uga qeybgelayso shirkaasi dalka Kenya loogu qabanayo kooxaha Soomaalida.

Xasan Abshir waxa uu sheegay in ay si weyn u saluugeen waxa qoondo ahaan loogu soo hagaajiyey dowladdiisa oo ah 65 xubnood, taasoo sida uu sheegayna ka fog caqli-galka iyo caddaaladda labadaba.

Xassan Abshir waxa uu sheegay in uu filayey in labo isla eg loogu kala dhigi lahaa ergooyinka dhinaca dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda haatanse dhinaca kale loo badiyey wixii oo dhan.

Hase yeeshee, Xasan Abshir waxa uu intaasi ku daray in maaddaama ay dowladdiisu tahay dowlad dib u heshiisiin ay ka qeybgelayaan shirka xitaa haddii la siin lahaa xubno intaasi aad uga yar maaddaama aanay doonaynin sida uu yiri in ay wax shuruud ah ku xiraan wixii xal u noqon kara ummadda Soomaaliyeed.

Xassan Abshir waxa uu sheegay in shardiga keliya ee ay dowladduusi ku xirtay shirkaasi uu ahaa in ay iyaga oo dowlad ah ka qeybgalaan shirka isla markaana aanay aqbalaynin in wax kasta laga soo billaabo meel eber ah, sidaasi darteedna wixii shardigaasi ka soo harana ay uga tanaasulayaan danaha ummadda Soomaaliyeed dartood.

Waxay ahayd saddex maalmood uun ka hor markii ay hoggaamiyeyaasha siddeed kooxood magaalada Muqdisho uga dhawaaqeen in ay qaadacayaan shirka Nairobi, hase yeeshee, waxay dadweynaha Soomaaliyeed dareemayaan in shirka Kenya uu ka duwananaan doono kuwii hore laguna heli doono dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa.



Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.