| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 06.10.2002 - 12:04 Wakhtiga London
Markab saliid qaada oo France laga leeyahay ayaa dab ku qabsadey xeebta Yemen ka dib markii qarax ka dhex dhacay markabka dhexdiisa. Saraakisha Yemen ayaa sheegay in aysan u haysanin qaraxaasi in uu ka yimid falal kharbudaad ah, laakiin dibloomaasiyiin ka tirsan safaaradda France ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegey in ay rumeysan yihiin falka loo geystay markabku in uu yahay weerar argagixisanimo. Ku xigeenka Qunsulka France, Marcel Goncalves ayaa yiri "Markabka saliidda waxaa gujisey doon ay ka buuxeen waxyaabaha qarxo."
Holac ayaa ka kacay markabka oo markaasi ku sii jeeday dekadda al-Dabah oo ku taalla xeebta bari ee waddanka. Ciidamada dabka la dagaalama ayaa lagu soo waramayaa in ay durba badbaadhseen 11 qof oo ka mid 25 shaqaale oo Markabka la socdey. USS Cole "Waxa ay u egtahay in Markabkan loo qarxiyey habkii loo qarxiyey USS Cole", isagoo u jeeda weerarkii lagu qaadey Markabkii Mareykanka ee dagaalka kaas oo lagu dilay 17 ka tirsan ciidamada Mareykanka. Laakiin saraakiisha Yemen ayaa ku adkeysanaya in dhacdadani aysan la mid ahayn weerarkii lagu eedeeyey al-Qaeda ee ka dhacdey dekedda Cadan laba sano ka hor. Wariyaha BBC-da, Heba Saleh waxa ay sheegaysa in Dowladda Yemen ay iskudayeyso in ay beddesho sumcadda u baahday ee ah in ay saldhig u tahay shabakadda argagixisada ah ee al-Qaeda. Ilaa iyo haatan, dowladdu waxay qabqabatay 100 qof oo lagu tuhunsanyahay in ay ka mid yihiin xubnaha al-Qaeda iyo kooxaha kale oo ka tirsan ururada Islamiga ah. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |