| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 06.10.2002 - 13:49 Wakhtiga London
Guddiga Farsamada ee Urur Goboleedka Igad ee haatan ku howlan qabanqaabada Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya ayaa walaac ka muujiyay dokumentiyo beenabuur ah oo ku saabsan shirka oo haatan la isla dhexmarayo. Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergiga gaar ah ee Kenya u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Elijah Mwangale ayaa lagu sheegay in dokumentiyadani ay ku saabsanyihiin ka soo qeybgalka shirka la filayo in uu magaalada Eldoret ka bilaabmo 15-ka bishan. Waxaana ay warbixintu oga digtay dadweynaha in aysan aaminin liisaskaasi iyada oo liiska rasmiga ah ee ka qeyb galka shirka la soo saaray maalintii shalay ahayd uun kiliya. Mr Mwangale oo saaka aan kulakulmay xafiiskiisa xarunta wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya ayaa ii sheegay in dokumentiyadan been abuurka ah laga aasaasay Nairobi islamarkaana la geeyay gudaha waddanka Soomaaliya oo ay qas abuureen. Mr Mwangale waxaa uu caddeeyay in liiska rasmiga ah uu ku sawiranyahay Tiimbaraha wasaaradda Arimaha Diobadda ee Kenya, dhammaan waraaqaha ku saabsan shirka ee mustaqbalkana sidaasi loo qabeen doono. Waxaa uu ergaygu ii sheegay in shirka ay ka soo qeyb geli doonaan inkabadan 300 oo wafuud ah oo ka kala socda dhammaan qeybaha waddanka Soomaaliya. Afarta beel ee waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa uu sheegay in middiiba loo ogolaaday 67 qof in ay uga soo qeybgasho shirka halka beelaha laga tirada badanyahay isku jirkooda loo ogolaaday 32 qof. Waxaa uu sheegay in dadka beelaha ay u xulayaan ka soo qeyb galka shirka ay ka koobnaanayaan madax siyaasadeed iyo kuwa milatariba iyo qeybaha bulshada. Mar aan weeydiiyay in waqtiga yar ee ka harsan shirka uu ku filanyahay in ay isugu yeeraan wufuudda shirka iyo in ay u baahandoonaan in dib loo dhigo shirka ayaa Mr Elijah Mwangale waxaa uu sheegay in aan marnaba shirka dib loo dhigeynin oo iyagu waxba aysan ka dhulyaalin. Waxaa uu sheegay in diyaaradaha soo qaadi lahaa wufuudda loo dirayo Soomaaliya laga bilaabo 11-ka bishan si ay u soo daadgureeyaan ka qeyb galayaasha shirka. Waxaa uu caddeeyay in Hoteela badan oo ku yaala Eldoret loo qoonddeeyay in la dejiyo wufuudda shirka balse madasha shirka uu noqon doono Hoteelka Sirikwa ee isla Eldoret. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |