| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 02.10.2002 - 13:36 Wakhtiga London
Xasan Barise - Muqdisho Labo wafdi oo kala duwan oo midna uu Qaramada Midoobay ka socdo midna uu ka socdo dowladda Mareykanka ayaa maanta gaaray magalaada Muqdisho. Labadan wafdi ee Qaramada Midoobay iyo dowladda Mareykanka oo gebi ahaantoodana marka la isku daro ka koobnaa afar qof ayaa la socday hal diyaarad, waxayna ka soo degeen garoonka degmada Dayniille ee Muqdisho abbaarihii 11:30 barqannimo. Wafdigani durbaba waxa uu isu kala qeybiyey labo dhinac iyadoo qeybta Qaramada Midoobay oo uu horkacayey Danjire Winston Tubman oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uu ku billaabay booqashadiisa hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow, halka qeybta kale ee wafdigana oo ahaa Mr Glenn Warren oo ka socday dowladda Mareykanka uu ku billowday isbahaysiga SNA-da Xuseen Maxamed Caydiid xaruntooda madaxtooyadii hore ee Soomaaliya. Warar badan oo faah-faahsan lagama hayo waxyaabaha ay wufuuddani kala hadlayaan qeybaha siyaasadda ee Soomaaliya, hase yeeshee Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen oo ah ku simaha isbahaysiga SNA-Xuseen Maxamed Caydiid ayaa sheegay in Ergayga Mareykanka uu wax badan kala hadlay isbahaysigooda arrimaha khuseeya shirka dhowaan la filayo in kooxaha Soomaalida loogu qabto dalka Kenya. Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen waxa uu intaasi ku daray in ay si weyn isula fahmeen isku aragtina ka noqdeen iyaga iyo wafdiga dhammaan arrimaha khuseeya shirkaasi, isla markaana uu isbahaysigoodu ka ballanqaaday wafdigaasi in ay shirkaasi uga qeybgeli doonaan si waxtar leh. Isla maanta gelinkii dambena waxa uu wafdiga Mareykanku la kulmay hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi xaruntiisa degmada Kaaraan, halka wafdiga Qaramada Midoobayna ay ku mashquulsanaayeen la kulanka kooxaha isbahaysiyada SNA-da Xuseen Maxamed Caydiid iyo kuwa Cismaan Xasan Cali Caato oo midba xaruntiisa lagula kulmay. Sida qorsheysan waxa uu wafdiganina si la mid ah sidii maanta berrito isu kala qeybinayaa la kulanka dowladda KMG ah iyagoo arki doona madaxweynaha Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo ra’iisal wasaarahiisa Xasan Abshir Faarax, waxana ay wafdigu ula kulmi doonaan si kala goonni-goonni ah oo dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay kala ah. Isla berrito waxaa kaloo jadwalka ku jira Cumar Finish oo ay arki doonaan wafdiga, dabadeedna hoggaamiye kooxeedka Maxamed Qanyare Afrax oo ay misana si kala goonni-goonni ah u arki doonaan labada wafdi, waxana uu wafigu ka tegi doonaa Muqdisho galabnimada berrito ah. Mr Winston Tubman oo ah wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa isagu wararku ku dhow-dhow Qaramada Midoobay ay sheegayaan in uu urursanyo xogaha ku saabsan xagga ammaanka si uu arrimaha uga soo baxo ugu darsado warbixin uu doonayo in uu hordhigo Golaha Ammaanka oo fadhi khaas ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya maalinta Isniinta ah ee soo socota magaalada New York ee carriga Mareyanka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda soo kordhaya dareenka ah in ay beesha caalamku mar kale doonayo in Soomaaliya si dhab ah wax looga qabto kaddib 13 shir oo midna aanu keenin dowlad Soomaaliyeed oo la isku wada raacsan yahay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |