| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 29.09.2002 - 15:34 Wakhtiga London
Xasan Barise - Muqdisho Waxaa magaalada Muqdisho si weyn uga aloosan dood, muran iyo is-diid ku saabsan sharci ay maalintii shalay Golaha Baarlamaanka ee dowladda KMG ahi ansixiyaan, kaasoo ku saabsaanaa nidaaminta war-baahinta xorta ah. Sharciga saxaafadda oo in muddo ahba horyaallay xildhibaannada dowladda KMG ah doodo kululna ay ka socdeen ayaa ugu dambeystii maalintii shalay cod loo qaaday, iyadoo sida rasmiga ahna ay 89 xildhibaan oggolaadeen, halka 60 kalena ay diideen iyadoo 15 xildhibaan oo kalena ay isagaba aamuseen. Sharcigan oo ay markii hore soo diyaariysay wasaaradda warfaafinta, ka dibna ay waxoogaa wax ka bed-beddeleen guddiga warfaafinta ee baarlamaanka ayaa cod u qaadistiisii shalay ay mar keliya ka buuqeen daraasiin xildhibaanno ah oo iyagoo aanan weli fikirkooda dhiiban lagu dhawaaqay cod bixinta. Laakiin, cod qaadistaasi kaddib ayaa waxa uu guddoomiyaha baarlamaanka Cabdalle Deerow Isaaq ku dhawaaqay in uu dhaqangal yahay sharcigan Si kastaba ha ahaatee, qeylo dhaanta sharcigan waxaa ugu weynaa cidda uu sida tooska ah u saameynayo, kuwaasoo ah saxaafadda xorta ah ee Muqdisho. Haddaba, in ka badan 20 hay’ado warfaafineed ah oo maanta shir ku yeeshay xarunta Muqdisho ee hay’adda Warbaabhinta Bariga Afrika ayaa laga soo saaray go’aamo kul-kulul, iyadoo sidoo kalena ay Isku Xirka Joornaalisteyaasha Soomaaliyeed ee SOJON oo ah kuwa inta badan website-yada internet-ka wax ku qora iyagana shir kaddib ay go’aamo soo saareen. Kooxahan warfaafineed waxay ka mideysan yihiin cambaareyn kulul oo ay sharcigan dusha uga tureen, sida ka muuqata hadalka Cumar Faaruuq Cismaan oo ah Xoghayaha Guud ee SOJON. Saxafiyiinta ku shirtay Xarunta Warbaahinta Bariga Afrika waxaa intaas u dheer iyagoo go’aan ku gaaray in la joojiyo dhammaan baahinta iyo qorista wararka ku saabsan xukuumadda KMG ah iyo baarlamaanka iyo in maalinta Arbacada ah ee ay bisha Oktoobar tahay labo la sameeyo shaqo joojin dhammaan idaacadaha, telefishannada iyo wargeysyada taasoo lagu muujinayo cabasho waxa loogu yeeray duullaanka lagu qaaday saxaafadda darteed. Hay’adda SOJON waxay iyadu ku baaqday shaqo joojin labo maalmood ah oo Isniinta iyo Talaadada ah. Si kastaba ha ahaatee, qodobka ugu daran sharcigan oo ah midka ku saabsan diiwaangelinta ayaa xildhibaannada qaarkood ay u arkaan in uu habboon yahay, waana kan Xildhibaan Cabdi Faarax Jaamac oo loo yaqaanno Cabdi Dheere. Sida uu qabo Xoghayaha Golaha Shacabka, Cabdinaasir Xaaji Shirwac waxaa dhici karta in waxa oo dhan ay yihiin is-afgaran waa ka yimid xagga qoraalka sharcigan oo aanan la wada helin, taasoo iyada nafsad ahaanteeda ah cillad kale oo uu la yimid maamulka Golaha Baarlamaanka oo aanan nuqulkii ugu dambeeyey ee sharcigan u qeybinin mudaneyaasha oo dusha uun looga akhriyey wax yar ka hor intii aanan cod bixinta la sameynin. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |