| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 14.09.2002 - 12:44 Wakhtiga London
Xasan Barise - Muqdisho Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gunaanaday shir aan caadi ahayn oo u socday golaha wasiirrada ee dowladda KMG ah muddo toban maalmood ah, kaasoo looga doodayey waxqabadka hay’adaha dowladda ee muddadooyinkii la soo dhaafay iyo hawlaha hadda weli horyaalla dowladda. Gunaanadka shirkaasi kaddib, waxaa xarunta madaxtooyada KMG ah lagu qabtay shir jaraa’id oo amuurtaasi looga hadlay. Shirkan jaraa’id ee maanta waxaa weriyeyaasha loogu soo bandhigay warbixinno urursan oo ka hadlaya waxa ay golaha xukuumaddu ka doodayeen maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbixintaasina ay ka muuqatay in wasaaradaha midba goonnideeda loola xisaabtamay, iyadoo uu shir guddoominayo madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan maaddama uu ra’iisal wasaarihii dalku safar shaqo dibadda ugu maqan yahay. Qoraal aad u dheeraa oo lagu soo ururiyey go’aamadii ka soo baxay shirkan golaha xukuumadda ayaa wasaarad kasta lagu miijiyey waxa horyaalla ee ay qabanayso muddada dhow iyadoo labadii toddobaadna mar lala xisaabsatamayo wasaarad kasta wixii u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin iyo caqabadaha lala kulmayo. Dhinaca siyaasadda waxaa lagu muujiyey qoraalkaasi in shirka dhowaan la filayo in Kenya loogu qabto Soomaalida uu yahay mid lagu dhammaystirayo dib u heshiisiinta Soomaalida oo sidaasi darteedna si qarannimo ah loogu hawlgalayo waxaana la magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood oo isu soo duwa aragtida dowladda ee mustaqbalka dalka guud ahaan iyo midnimadiisa. Dhinaca nabadgelyada, waxaa la go’aamiyey in la dhimo ciidamada dowladda isla markaana lagu saleeyo inta ay dowladdu awooddo, laakiin faah-faahin dheeri ah lagama bixin arrintaasi. Arimaha caafimaadka Waxaa kaloo uu warku intaasi ku daray in nabadgelyada la deegaameeyo isla markaana la dhiso maamullada gobollada iyo degmooyinka. Arrimaha caafimaadkana waxaa lagu dhawaaqay in la sameynayo sheybaar guud oo lala kaashanyo wasaaradda dowladaha hoose si loo baaro waxtarka dawooyinka iyo cunnada dalka la soo geliyo iyo in la diiwaan geliyo farmashiyeyaasha shaqeeya si loo sugo tayada dawada ay iibiyanayaan in aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya. Waxaa kaloo aanan meesha laga saarin in la billaabyo diiwaangelinta gaadiidka dalka guud ahaan, gaar ahaanna kuwa gobolka Banaadir iyadoo la bixinyo buugga fasaxa dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo taargooyinka baabuurta, waxaana hawshaasi lagu billaabayaa fulinteeda gaadiidka ay dowladdu leedahay iyo kuwa u kireysan. Dhinaca waxbarashada, waxaa warbixintaasi oo uu weriyeyaasha u akhrinayey wasiirka warfaafinta, Cabdiraxmaan Ibbi, lagu sheegay in la banneynayo dhammaan goobihii waxbarashada, iyadoo dadka qaxootiyada ah ee dhex deggan goobahaasina loogu yaboohay kaalmo haddii ay doonayaan in ay dib ugu noqdaan gobolladii iyo degmooyinkii ay markii horeba ka yimaadeen waxaana lala kaashanayaa arrintaasi hay’adaha caalamiga ah ee deeqda bixiya. Qodobbadan muhiimka ah ee dowladdu waxay soo baxayaan xilli ay muddadii dowladnimada Cabqaasim Salaad Xasan ka harsan tahay wax ka yar hal sano, iyadoo labadii sano ee la soo dhaafayna aanay wax badan ka qabsoomin xagga nabadgelyada, halka adeegyada bulshadana sida wax ka qabashada arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada aananba la isku soo qaadin hadda ka hor amaba aanan loo fara taagin. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |