BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 04.09.2002 - 15:13 Wakhtiga London
Dagaal maalintii labaad ka dhacay Muqdisho

Xasan Barise - Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu maanta maalintii labaad dagaal xoog leh ka dhacay agagaraaha isgoyska Fagax ilaa Sii-Sii iyo deegaanka ku xeeran ee degmada Yaaqshiid. 

Dagaalkan oo hakaday markii uu gabbalku madoobaaday maalintii shalay ayaa misana dib u billowday aroornimadii hore ee saaka, iyadoo maleeshiyooyinka dagaallamaya ay markii hore ku billaabeen xabbado goos-goos ah oo ay isku weydaarsadeen isla goobihii shalay.

 Waxa ay labada dhinac ee dagaallamaya isu adeegsadeen dhammaan qoryaha waaweyn ee dagaalka kuwaasoo ay ku jiraan kuwa lidka dayuuradaha oo dhawaqoodu uu aad argagaxinayey dadweynaha reer Muqdisho.

 Inkastoo aanu dagaalka maanta sidii kii maalintii shalay u xoog badnayn, haddana waxa uu keenay khasaare weyn.  Inta la ogyahay dagaalkan waxaa ilaa saaka ku dhintay uguyaraan toddoba qof, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 13 kale.

Nin goobjooge ah ayaa ii sheegay in uu arkay meydadka saddex maleeshiyo ah iyo lix kale oo dhaawac ah. 

Laakiin, dadka dhimanaya iyo kuwa dhaawacmaya waxay mar kasta u badan dad shicib ah oo ay haleeshay rasaar habaw ah oo aan loo meel dayin.

Waxaa sidoo kale jira barakac weyn oo uu sababay dagaalkan oo ilaa beryihii la soo dhaafay si goos-goos ah marba kol u qarxayey.

 Deegaannada Fagax, Sii-Sii, xagga Huriwaa, agagaarka waddada Sanca ayaa ugu badan meelaha ay rasaasta habawga ah gaartay maanta.

Lama yaqaanno sababta uu dagaalka maanta uga tabar yar yahay kii shalay, hase yeeshee waxaa jira duqey aad u badan oo beelaha aan dagaalka ku jirin oo laakiin guud ahaan beelweynta la wadaaga ah oo saaka u guntaday joojinta colaaddan iyagoo ilaa xalayna u kala dabqadayey labada dhinac.

Duqeydani waxay isku dayeen in ay kala dhex galaan labada dhinac iyagoo sita calamo cad-cad, hase yeeshee si fiican uguma hirgelin qorshahaasi.

Sidoo kale, waxaanan muuqan wax horumar ah oo ka soo baxay waan-waan ay wadeen duqeyda dhaqanka.

Dagaalku waxa uu qaboobay abbaarihii duhurnimadii, laakiin waxaa weli ilaa gelinkii dambe ee maanta socotay rasaas goos-goos ah oo inta badan laga dul ridayey daaro dushood.

Dagaalkan maanta intii uu socday waxay maleeshiyada beel ka mid ah labadii beelood ee dagaallamaysay ku guuleysteen in ay soo furtaan sarkaalkii u shaqeynayey hay’adda Qaramada Midoobay ee Xagga Beeraha iyo Cunnada ee FAO loo yaqaanno, kaasoo lagu haystay garaash ku yaalla deegaanka Sii-Sii. 

Sarakaalkaasi oo ay dabely hubaysani ka qafaasheen gurigiisa siddeed maalmood ka hor ayey maleeshiyadii haysatay isaga carareen kaddib markii uu dagaalku aad ugu soo dhowaaday.

Sarkaalkan oo la yiraahdo Maxamed Faarax Cumar oo aan isaga nafsad ahaantiisa la hadlay ayaanan sheegin wax dhibaato ah oo loo geystay intii ay haysteen maleeshiyadaasi.

Dableydii dagaalka ku soo furatay sarkaalkaasi waxay ku wareejiyeen si shuruud la’aan ah gacanta ganacsato ka tirsan beeshooda, iyadoo ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan uu munaasabad lagu qabtay hotel Ramadaan galabta isagana ku sii wareejiyey sarkaalkaasi gacanta sarkaalka xagga ammaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Saalax Cumar Axmed iyadoo ay eheladiisuna goobtaasi joogeen.

Waxaa sidoo kale halkaasi goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda lacagta, Cabdi Maxamed Nuur (Cabdi Wabar) iyo Enjineer Eenow oo xaruntiisa lagu hayey sarkaalkaasi ka hor intii aanay xil wareejintan dhicin.

Go’aan ka soo baxay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada ee dowladda KMG ah maanta, kaasoo uu shir guddoominayey Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa lagu sheegay in ay u magacaabeen xaaladdan Muqdisho shan wasiir oo la hadla labada dhinac ee dagaallamaya, waxaan war saxaafadeed ay soo saareen shirkooda kaddib lagu sheegay in la diyaariyey ciidamo boolis ah iyo kuwo milatari ah oo kala dhex gala labada dhinac marka oggolaansho laga soo helo labada beelood.

Dagaalkan oo xooggiisu uu billowday maalintii shalay ayaa waxaa ilaa intii uu billowday shalay ku nafweyday 20 qof, kontomeeyo kale oo shicib u badanna wey ku dhaawacmeen.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.